4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 26, 2015
Hay’ada SADO oo deeq gaarsiiyay deegaano ka tirsan gobolka Gedo (Sawirro)


Khamiis, Feberaayo 26, 2015 (HOL) — Hay’adda SADO oo ah hay’ad samafal ayaa deeq gaarsiisay qoysas danyar ah oo ku noolaa deegaano dhowr ah oo hoostaga degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq oo ka tirsan gobolka Gedo, iyadoo deeqdani ay ahayd lacago ay hay’addu gudoonsiisay qoysaskaasi.

Dadka ay hay’addu deeqda gaarsiisay ayaa ah qoysas ay aad u liidato xaaladooda nololeed, iyadoo qaar kamid ah dadkani ay yihiin kuwo ay waxyeelo kasoo gaartay abaarihii ku dhuftay gobolka Gedo iyo qaar  kale oo danyar ah.

Deegaanada ay hay’addu deeqda gaarsiisay waxaa ka mid ah; tuulada Gerileey, Dhyac-garon, Dadshinbil, Cowsqurun , Wadajir, Garsaal, Samiroole, Buusaar, Burabardheyso, Warey Janbile iyo deegaano kale oo dhowr ah oo hoostaga degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq.

Max’ed Khadar Cabdi Nuur oo kamid ah masuuliyiinta hay’adda SADO oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 2500 oo qoys oo danyar ah ay gaarsiiyeen deeqdan lacagta ah, waxa uuna intaa ku daray in ay hay’addu ay sii wadi doonto caawinta dadka danyarta ah ee u baahan gurmadka.

Mas'uulkan ayaa sheegay in barnaamijkan lacag qeybinta uu socon doono mudo afar bilood ah, qoys walbaana ay siin doonaan lacag dhan $70, isagoo intaa ku daray in hay’addu ay sanadiihii ugu danbeeyay howlo wax loogu qabanayo dadka danyarta ah ay ka waday gobolka Gedo iyo gobollo kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Gargaarkan lacag qeybinta ah ee ay hay’adda SADO ka biloowday gobolka Gedo ayaa waxa si diiran usoo dhaweeyay dadka danyarta ah ee ku dhaqan gobolkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo – Soomaaliya