4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 25, 2015
Ciidanka Badda Maamulka Puntland oo qabtay doon siday dad tahriibayaal ah

Arbaco, Feberaayo 25, 2015 (HOL) — Ciidamada Badda Puntland ayaa hawlgal ay goor hore oo maanta sameeyeen ayay kusoo qabteen tahriibayaal isugu jira Somali iyo Itoobiyan xilli ay isku dayayeen inay xeebaha magaalada Boosaaso ka baxaan.

Tahriibayaasha oo tiradoodu gaareyso soddon qof waxaa lagu soo bandhigey dekedda magaalada Boosaaso, waxaana qaabkii lagu soo qabtey warbaahinta faah faahin ka siiyey saraakiisha ugu sarreysa ciidamada badda iyo booliska.

Taliyaha ciidamada badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriye ayaa sheegay in dadkan laga soo qabtey meel magaalada Boosaaso dhowrk kiilo mitir dhanka bariga kaga beegan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in gacanta lagu soo dhigey saddex qof oo kuwa wax tahriibiya ka tirsan kuwaasoo ay ku jiraan qaar hadda kahor lagu soo qabtay falal tahriib la xiriira.

Boqollaal tahriibeyaal ah ayaa sanad walba ka taga xeebaha gobollada Bari iyo Sanaag. Dadkaas oo Itoobiyaan u badan waxay u tahriibaan dalka Yemen oo marka dambena ay uga sii gudbaan wadamada Khaliijka gaar ahaan dalka Sucuuidga.

Hay'adda caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga UNHCR, ayaa sheegtay in sannadkii 2012 oo keliya dalka Yemen gaareen 84,000 oo tahriibayaal ah.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya