4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 25, 2015
Wadahadalada u dhexeeya Somalia & Somaliland oo dib uga furmaya Turkiga


Arbaco, Feberaayo 25, 2015 (HOL) — Wadahadallada u dhexeeya dowladda Somalia iyo Somaliland ayaa lagu wadaa inay maalinta berri ah ka furmaan Turkiga, iyadoo dalkaas ay gaareen wufuud labada dhinac ku maratala wadahadalka.

Somaliland ayaa sheegay Salaasadii shalay inay sii wadayaan wadahadalka kala dhexeeya Somlia, inkastoo mid ka mid ah xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland uu ku baaqay in wadahadalladan hakad la geliyo.

Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in wadahadallada Soomaaliya iyo Somailland ay dib uga furmayaan magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga berri oo Khamiis ah, isagoo sheegay in dhankood ay diyaar u yihiin inay sii socdaan wadahadallada.

“Maadaama ay soo dhow yihiin doorashooyinka Somaliland ayuu xisbi ka mid ah kuwa mucaaradka waxay ku taliyeen in hakad la geliyo wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, balse waxaa la isku waafaqsan yahay in wadahadalladan ay dani ugu jirto Somaliland,” ayuu yiri Biixi.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegay inaysan jirin wax iska khuseeya wadahadallada socda iyo doorashooyinka Somaliland ka dhici doona dhawaan, ciddii lasoo doortana ay sii wadi doonto wadahadalka.

“Waxaan qabaa inaanay doorashada iyo wadahadalka ka dhexeeya Somalia iyo Somaliland wax shaqo ah aanay isku lahayn. Xukuumaddan jirta ha ahaato ama kuwa ka dambeeya ha ahaatee… wadahadalladu way soconayaan, tan kale oo la doorto ayaa hawlahaas ka qayb-galaysa,” ayuu mar kale yiri Biixi.

Dhanka kale, ma jiro illaa hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Soomaalihya oo ku saabsan wadahadallada berri ka furmaya Turkiga, iyadoo wadahadalladan ay soo mareen marxalado kala duwan.

Ugu dambeyn, madaxweynayaasha Somalia, Xasan Sh. iyo Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa dalka Jabuuti ku gaaray dhammadkii sannadkii hore ku heshiiyay in wadahadallada labada dhinac u dhexeeya lasii wado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya