4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 25, 2015
Mustaf Dhuxulow oo ka hadlay xil-wareejintii wasaarada Warfaafinta Somalia


Arbaco, Feberaayo 25, 2015 (HOL) — Wasiirkii hore ee warfaafinta Somalia, Mustaf Sh. Cali Dhuxulow oo ka hadlay xil-wareejintii wasaaradda oo maanta Muqdisho ka dhacday ayaa sheegay inuu RW Somalia, Cumar C/rashiid uga mahadcelinayo kasoo qaybgalka xafladii xil wareejinta wasaaradda, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid muujinaysa sida ay xukuumaddu ahmiyad u siinayso wasaaradda.

“Waxaan u rajeynayaa wasiirka cusub ee warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo shaqaalaha wasaaradda guul iyo kheyr iyo inay howlaha horyaalla wasaaradda dar-dar-geliyaan,” ayuu yiri Dhuxuloow oo maanta ka ahayn goobjoog xafladdii xil-wareejinta wasaaradda.

Dhuxuloow wuxuu sheegay in Somalia ay maanta marayso marxalad adag oo nooga wada-baahan inaan gacmaha is-qabasano oo danta guud kawada shaqeyno si dalka loo gaarsiiyo inay ka dhacaan doorashooyin xor ah.

“Bacdamaa aan xilkii wasiirnimo maanta wareejiyay, waxaan inta ka harsan waqtigeyga ku bixin doonaa sidii shacabka tabaaleysan, kuwa brakacay iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee meel walba daadsan, dumarka iyo caruurta aan u taageeri lahaa oo aan horay u sii wado howlaha xagga bani'aadamnimo,” ayuu yiri Dhuxuloow.

Sidoo kale, Dhuxuloow ayaa dhammaan hay’adaha gargaarka, ganacsatada Soomaaliyeed iyo dhammaan inta alle wax siiyay ka codsanayaa inay dadka dhibaateysan taageero u fidiyaan si ay u helaan xaquuqdooda aasaasiga ah.

“Waa inaan mudnaanta koowaad siinnaa sidii aan u ilaalin lahayd xaquuqda bani’aadanimo ee shacabkeenna, waana inaan u ololeynaa, una doodnaa si aan u joojinno dhammaan taca-diyada lagula kaco xuquuqda shacabkeenna. Waxaana iga go’an inaan kaalin mug leh ka qaato arrinkaan ku saleysan badbaadada iyo joojinta tacadiyada xaquuql Insaanka,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Dhanka kale, Dhuxulow ayaa xusay in xukuumadda cusub ay ku jiraan shaqsiyaad waayo-arag ah, dhallinyaro iyo gabdho nooga baahan inaan siino fursad iyo kalsooni uu qof walba oo naga mid ah doonayo. Waa inaan fursad siinnaa wasiirrada cusub; isla markaasna aan waayo aragnimadeenna iyo aqoonteenna ku biirinno.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan si gaar ah ugu mahadceliyo madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud iyo ra’iisul wasaarihii hore, C/weli Sheekh Axmed oo fursad ii siiyay inaan noqdo wasiirka warfaafinta, waxaana hubaa inaan intii karaankeyga ah wax qabtay, wasiirka iga dambeeyana waxaan kula talinayaa inuu halkaas kasii wado howshii horay loo qabtay,” ayuu hadalkiisa ku daray Dhuxuloow.

Si kastaba ha ahaatee, Mustaf Dhuxuloow ayaa dalka ka maqan iyadoo ay xil wareejita wasaaraddu dhacday isgaoo dalka dibaddiisa, waana wasiirka keliya ee ka maqnaa xilka wareejinta wasaaraddiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya