4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 25, 2015
Puntland oo soo dhaweysay Danjiraha U.S.A ee loo soo Magaacaabay Somalia

Arbaco, Feberaayo 25, 2015 (HOL) — War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada maamulka Puntland ee magaalada Garowe  ayaa lagu taageeray magacaabista safiirka cusub ee dowladda Maraykanka u fadhin doono Soomaaliya.

Puntland ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso magacaabistan taariikhiga ah, islamarkaana ay si dhow safiirka ugala shaqayn doonaan arimo ay kamid yihin  dhamaystirka dastuurka ,dhinacayada ammaanka iyo waliba doorashooyinka dalka ka dhici doona.

“Go’aanka lagu magacaabay Mrs Katherine waa mid muujinaysa dadaalada laga gaaray Soomaaliya korna u qaadaysa kalsoonida saaxibadda caalamiga ah ay ku qabaan horumarka Somaliya “ ayaa lagu yiri warkan ka soo baxay dowladda.

“Sidoo kale go’aankan waa u muhiim Soomaaliya ,kaliya ma ahan mid muujinaysa horumarka la gaaray ,balse waa mid kor u qadaysa xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo USA “  ayaa mar kale lagu yiri war-murtiyeedka.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa Katherine S, Dhanani oo ah haweeney muddo ku soo jirtay siyaasadda u doortay in ay noqoto safiirka cusub ee Maraykanka u joogi doona Soomaaliya markii ugu horeysay tan iyo 1991-dii,markaasoo ay dalka ka dhaceen dagaalo sokeeye.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]