4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 25, 2015
RW Somalia oo soo dhaweeyay Safiirka uu Obama u soo Magacaabay Somalia


Arbaco, Feberaayo 25, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa soo dhaweeyay magacaabista uu madaxweynaha Mareykanka Obama u soo magacaabay safiirka Mareykanka ee Somalia, Katherine S. Danani oo noqonaysa tii ugu horreysay oo Soomaaliya loosoo magacaabo muddo 24-sano ka badan.

Haweeneydan danjiraha uu u soo magacabaay madaxweyne Obama ayaa la sheegay inay muddo dheer ka shaqeynaysay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, iyadoo sidoo kale la sheegay inay siyaasadda Afrika aqoon dheer u leedahay.

“Tallaabadani waa mid aad muhiim ugu ah xilligan xiriirka ka dhexeeya dalka Soomaaliya iyo Mareykanka, waana mid horay u sii wadaysa qorshayaasha lagu doonayo in Somalia ay ku hesho, xasillooni, deggenaasho iyo isku fillaasho,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Somalia Sharma’arke.

Mareykanka ayaa dowladda Soomaaliya u aqoonsaday dowlad rasmi ah 2013-kii, xilligaas oo ay Somalia ka baxday dowladihii KMG ahaa ee ka talinayay muddooyinka sannadaha ah.

Xukuumadda Washington ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinacyo badan, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay uu madaxweyne Mareykanku ah u soo magacaabo safiir Soomaaliya tan iyo markii ay Somalia gashay colaadaha sokeeye.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid u magacaabay danjiraha Somalia ee Mareykanka sannadkii hore, isagoo noqday danjirihii ay Somalia u magacowday USA tan iyo markii ay colaadaha gashay, inkastoo xilli dambe Sharma’arke dib loogu magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Somalia.

Magacaabidda Katherine ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo aanay jirin cid weli lagu bedelay danjirihii Mareykanka Sharma’arke oo haatan ah ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya