4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 25, 2015
Heshiis iskaashi oo dhexmaray jaamacadaha Banaadir & Palermo (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 25, 2015 (HOL) — Kulan dhexmaray mas’uuliyiin ka kala socday Jaamacadaha Banaadir iyo Palermo oo ka dhacay xarunta Jaamacada Palermo ee dalka Talyaaniga, iyadoo labada jaamacadood ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi.

Kulanka waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay, Prof. Cusmaan Maxamuud (Dufle) oo ah guddoomiya guddiga adeegga Bulshada ee baarlamanka FS oo booqasho ku jooga Talyaaniga, isla markaana wakiil ka ahaa guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar.

Sidoo kale, dhanka Jaamacadda Palermo waxaa kulankaas uga qayb-galay guddoomiyaha jaamacaddaas, Prof. Roberto La Galla iyo ma’uuliyiin kale oo Jaamacadda ka tirsan.

Mas’uuliyiinta labada jaamacadood ayaa falanqeyn dheer kaddib waxay isla gaareen inay yeeshaan wadashaqayn iyo iskaashi joogto ah oo ku salaysan tayeynta macalimiinta, cilmi-baarista, waxbarashada ardayda, is-dhaafsiga aqoonta iyo wixii u dan ah labada Jaamacadood.

Gunaanadkii kulanka ayaa waxaa ka hadlay madaxa Jaamacadda Palermo oo hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyay dhammaan mas’uuliyiinta Jaamacada Banaadir doorka ay kaga jiraan horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

Prof. Roberto ayaa ku boorriyay Jaamacadda Banaadir inay halkaas kasii wado dadaal-keeda, isagoo xusay in jaamacadda Palermo ay diyaar u tahay xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Jaamacadda Banaadir.

Ugu dambeyn, Prof. Cismaan Dufle oo isna hadal jeediyay ayaa mas’uuliyiinta Jaamacada Palermo uga mahad-celiyay sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen; isagoo warbixin ka siiyay howlaha Jaamacadda Banaadir iyo kaalinta ay kaga jirto waxbarashada dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya