4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 25, 2015
Dowladda Somalia oo Shaacisay inay Qabatay Diyaarad Qamri lagu soo Raray

Arbaco, Feberaayo 25, 2015 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada amniga dowladda iyo waaxda ilaalada canshuuraha ee wasaaradda maaliyadda ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabteen diyaarad siday dhalooyin Qamri ah.

Diyaaradan ayaa la sheegay inay wadday 25,416 dhalo oo Qamri ah, kuwaa oo la doonayay in Muqdisho lasoo geliyo iyadoo dowladda Somalia ay horay uga mamnuucday Somalia ka ganacsiga iyo keenista Qarmiga iyo sidoo kale waxyaabaha maanka dooriya.

Taliyaha hoggaanka canshuuraha iyo dhaqaalaha booliiska Soomaaliya Jen. C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in kartoonno lagu soo xiray dhallooyin Qamri ah oo la doonayay in si ganacsi ah loogu gudbiyo Muqdisho, hase eesheen gacanta lagu dhisay. Isagoo intaas ku daray in alaabaha garoonka laga soo dajiyo si aad ah loo baaro, Qamrigana lagu qabtay abaristaas.

Ugu dambeyn, wasiir u dowlayaasha maaliyadda, Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Amniga Gudaha, C/kariin Sh. Cumar ayaa uga mahaceliyay ciidanka amniga qabashada qamrigan, iyagoo ku boorriyay inay howshooda sii xoojiyaan.

Sannadkii hore ayay ahayd markii qamri laga soo dajiyay dekedda Muqdisho lagu qabtay gudaha dekedda, iyadoo lagu gubay Muqdisho, iyadoo markaas uu sheegay xeer-ilaaliyaha guud ee dalka, Axmed Cali Daahir inaan dalka la soo gelin karin Qamri iyo waxyaabaha maanka dooriya, ciddii lagu helana lala tiirsan doono sharciga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya