4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 25, 2015
Wasiirka warfaafinta DF Soomaaliya oo Maanta la wareegay xilka (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 25, 2015 (HOL) — Munaasabad uu xilka kula wareegayay wasiirka warfaafinta xukumadda Somalia, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka dhacday Muqdisho, iyadoo munaasabadda uu ka qaybgalay ra’iisul wasaare, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyadoo uu xilka wasaaradda wareejiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda, isla mar ahaantaana ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafinta, C.llaahi Colaad Rooble.

Xafladda ayaa lagu soo bandhigay qayb ka mid ah waxqabadka wasaaradda warfaafinta Somalia, iyadoo agaasimaha wasaarada, C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) uu ka sheegay munaasabadda in shaqaalaha wasaaradda ay ku shaqeeyaan xaalad adag.

C/llaahi Colaad oo wakiil ka ah wasiirkii hore ee wasaaradda, Mustaf Sh. Cali Dhuxuloow ayaa yiri. “Mudane ra’iisul wasaare shaqaalaha wasaaradda waxay ku xaquuq yihiin shaqaalaha caadiga ah ee dowladda Somalia, iyagoo shaqeeya muddo 24-saacadood ah, waxanase ku dadaalaynaa in arrintaasi la xaliyo.”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Rooble ayaa xilka wasaaradda si asmi ah ugu wareejiyay wasiirka cusub ee warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir, iyadoo lagu kala saxiixday xafladda dukumiintiyada xil-wareejinta.

Sidoo kale, wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xil-wareejinta ka hadlay ayaa sameeyay ballan-qaadyo ku aaddan inuu sii dardar-gelin doono howlaha wasaaradda u degsan sannadka 2015-ka, isla markaana la tayeyn doono dhammaan qaybaha wasaaraddu ay ka kooban tahay.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid oo munaasabadda uu xilka kula wareegay wasiirka warfaafinta khubad ka jeediyay ayaa ammaan iyo boggaadin u soo jeediyey shaqaalaha wasaaradda warfaafinta, isagoo isla goobta ka ballanqaaday in ahmiyad weyn la siin doono wasaaradda si loo soo saaro door ka ay ku leedahay Hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya