4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 25, 2015
Booliiska oo shaaciyay in 174 Qof lagu dilay Weerarradii Argagaxiso ee Kenya


Arbaco, Feberaayo 25, 2015 (HOL) — Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in 174 qof lagu dilay weerarradii argagaxiso ee dalkooda lagu soo qaaday sannadkii hore ee 2014-ka.

Tiradan ayaa noqonaysa tii ugu badnayd ee gudaha dalka Kenya lagu dilo saddexdii sano ee lasoo dhaafay, iyagoo Kenya ay dilakan ku eedeysay inay ka dambeyso Al-shabaabta Soomaaliya.

Sidoo kale, tirakoobkan oo maanta oo Arbaco ah la shaaciyay ayaa lagu xusay in 312-qof lagu diay gudaha Kenya illaa sannadkii 2012-kii, iyadoo la dhaawacay muddadaas 779-qof.

Xarakada Al-shabaab ayaa markii Kenya ay ciidamadeeda u dirtay Somalia sannadkii 2011, waxay ballan ku qaadday inay weerarayaan dalkaas, iyagoo dhowr jeer ka tallaabay xadka Kenya halkaasoo ka geysteen dilal iyo weliba qaraxyo qorsheysan.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa fiidiyow ay sii daysay Sabtidii hore waxay ku sheegtay inay weerarayso gancsiyada reer galbeedka, iyadoo tusaale u soo qaadatay weerarkii Westgate Mall ay ku qaaday sannadkii 2013-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya