4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 25, 2015
QAYBDIID: Colaadda degmada Guriceel waa kuwo ay siyaasadi ka dambeyso


Arbaco, Feberaayo 25, 2015 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Galmudug Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa sheegay in dagaallada dib uga qarxay gobolada dhexe aysan wax dan ah ugu jirin shacabka ,isla markaana ku baaqay in la joojiyo.

“Dad siyaasiyiin ah ayaa ka danbeeya dagaaladan ,waana wax muuqda cidda colaadahan dabada ka riixaysa “ayuu yiri madaxweyne Qaybdiid mar uu ka hadlayay sababaha ay dagaaladan u soo noq-noqdeen.

“Waxgaradka ku dhaqan gobollada dhexe iyo culumaa’udiinka waxaan ka dalbanayaa in ay hab nabad ah ugu gurmadaan joojinta colaaadahan waliba si shuruud la’aan ah “ayuu mar kale yiri madaxweynaha Gal-Mudug oo carro ka muujiyay dad uu sheegay in ay dano gaar ah ka leeyihiin dagaaladan.

Jen. Qaybdiid ayaa ugu baaqay bulshada caalamka iyo hay’adaha gar-gaarka ah in la caawiyo boqolaal ruux oo u badan haween iyo caruur,kuwaasi oo siyaabo kala duwan ugu waxyeeloobay colaadaha ka jira gobolada dhex ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, dagaal aan khasaarihiis si rasmi ah loo ogayn ayaa mar kale dib ugu qarxay shalay degmada Guriceel ,xilli Ahlu-sunna ay dowladda ku eedeeysay jabinta heshiis xabad joojin ahaa oo oo horey u dhexmaray labada dhinac.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]