4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 25, 2015
Soomaalida Minnesota Qaarkood oo Muujiyay Taageeradooda Mall of America


Arbaco, Feberaayo 25, 2015 (HOL) — Koox ka mid ah Somalida ku nool Minnesota ayaa shalay isugu soo ururiyay suuqa ganacsi ee Mall of America, si ay u muuijyaan taageera-dooda ku aadan xaruntan ganacsi iyo inaan lagu cabsi-gelin karin Al-shabaab.

Soomaalidan oo tiradoodu ahayd 10 qof oo rag iyo dumar isugu jiray ayaa ka qadeeyay xarunta, xiriiriyaha ururka Brian Coyle Community Center ee magaalada Minneapolis, C/raxmaan Mukhtaar oo ka mid ah dadkan ayaa u sheegay warbaahinta in ujeeddadoodu tahay si ay u muujiyaan in Mall of America ay tahay goob ammaan ah.

Mukhtaar ayaa sidoo kale sheegay in inay doonayaan inay muujiyaan farriin ka dhan ah hanjabaaddii Al-shabaab ay ku sheegtay inay ku beegsanayso goobaha ganacsiga ee reer galbeedka.

"Dadku waa inay ogaadaan inaysan jirin cid hor-joogsan kara nolol maalmeedkooda, sidoo kalena aysan jirin cid wax ku sameyn karta halkan (Minnesota)," ayuu hadalkiisa ku daray Mukhtaar oo abaabulay kulan loogu magic-daray waxaan ku faana Mall of America.

Sidoo kale, Jibril Afyare oo ah injineer ka tirsan shirkadda kambiyuutarrada ee IBM iyo hoggaamiyaha Somali Citizens League ee Minneapolis ayaa isna inta badan xilligiisa ku qaatay suuqan.

"Waxaan halkan u joognaa inaan ka dukaameysanno innagoo aanan cidna ka baqayn," ayuu yiri Afyare oo intaas ku daray. "Al-shabaab ma bedeli karayso nabadda jecelka iyo ilbaxnimada Soomaalidu ay leedahay.”

Afyare, Mukhtaar iyo Farxiyo Khaliif oo ah agaasimaha guud ee urur u dooda haweenka Geeska Afrika, iyagoo ka mid ahaa tiro Soomaali ah oo shalay si wadajir ah ugu qadeeyay Mall of America, iyadoo goobta ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah wariyeyaasha Soomaaliyeed ee gobolkaas ka howlgala.

"Waad ku mahadsan tihiin sida aad u muujiyeen farriintiisa wanaagsan," ayay ku tiri Soomaalidii halkaas joogay Judy Stuthman oo 74-jir oo halkaas u timid si ay uga adeegato.

Mall of America waa dhisme ganacsi oo caan ah halkaasoo ay ka adeegtaan kumannaan qoys oo Soomaaliyeed, kuwaasoo caruurtooda iyo saxiibadood keena suuqa inta lagu jiro fasaxyada ciidda/

Tan iyo markii ay Al-shabaab soo saartay hanjabaaddeeda ayaa waxaa si adag u cambaareeyeen Soomaalida ku nool Minnesota, iyadoo dadka qaar ka mid ah ay baqdin ka muujiyeen goodintaas.

Si kastaba ha ahaatee, Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa dhawaan soo bandhigtay fiidiyow ay ku sheegtay inay ku weerarayso goobaha ganacsiga ee reer galbeedka, sida kuwa ku yaalla Mareykanka, Britain iyo Canada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya