4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 25, 2015
Madaxweyne Obama oo 24-sanadood kaddib safiir u soo Magacaabay Somalia


Arbaco, Feberaayo 25, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa markii u horreysay danjire u soo magacaabay Somalia tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii, iyadoo tani ay tahay tallaabo xoojinaysa xiriirka Somalia iyo Mareykanka.

Afhayeenadda wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, Jen Psaki ayaa sheegtay in madaxweyne Obama uu u magacaabay Khaterine Dhanaani danjiraha rasmiga ah ee Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya kaddib 24-sano.

Katherine Dhanaani ayaa muddo ahayd siyaasiyad ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, iyadoo khibrad u leh ka shaqeynta Qaaradda Afrika, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Aqalka Cad.

Mareykanka ayaa dowladda Soomaaliya si rasmi ah u aqoonsaday sannadkii 2013-kii, kaddib markii ay sannadkii 2012-kii ka baxday xilligii KMG ahaa oo ay kusoo jirtay muddo tobaneeyo sano ah.

Sidoo kale, Jen Psaki ayaa sheegtay in magacaabistan ay tahay taariikhi ah ayna muujinayso xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya dowladaha Somalia iyo Mareykanka, waxayna xustay inay tani qayb ka qaadanayso horumarka Soomaaliya.

“Magcaabistan taariikhiga ahi waxay muujinaysaa xiriirka dheer ee Somalia iyo Maraykanka ka dhexeeya, waxayna noo ogolaanaysaa inaanu ka marag-kacno horumarka ay samaynayso Soomaaliya oo sannado badan colaado ku soo jirtay,” ayay tiri Psaki.

Iyadoo sii hadlaysay afhayeenadda ayay intaas ku dartay. “Somalia waxaa hor-yaalla shaqo badan oo ay tahay inay dhamaystirto ka hor inta aan la gaarin 2016-ka oo la filayo inay dalka doorasho ka dhacdo. Si Somalia ay u gaarto barwaaqo, nabad iyo dimoqraadiyad.”

Ugu dambeyn, afhayeenaddu waxay sheegtay in dowladda Maraykanka ay ka go’an inay taageerto Soomaaliya, si hiigsiga cusub ee Somalia loo gaaro, kaasoo ay ka mid tahay sida ay sheegtay doorasho dalka ka dhacda sannad kaddib.

Si kastaba ha ahaatee, magacaabiddan ayaa imaanaysa iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu sannadkii hore sidan oo kale uu sannadkii hore danjirihii u horreeyay ee Soomaaliya tan iyo 1991-kii u magacaabay, Cumar C/rashiid oo hadda ah ra’iisul wasaaraha Somalia, iyadoo weli aanu la magacaabin ciddii bedeli lahayd.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya