Axad, Feberaayo 22, 2015 (HOL) — Ciidanka nabadsugidda iyo kuwa booliska Jubbaland oo iskaashanaya ayaa xaafadaha kala duwan ee magaaladaa Kismaayo ka wada howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka.
Howlgalladan ayaa waxa ay ciidamadu ka wadaan shanta xaafadood ee ay ka koobantahay magaalada Kismaayo, iyadoo ciidamadu ay baarayaan dadka iyo gaadiidka.
Sarkaal ka tirsan ciidamada nabadsugidda oo ka gaabsaday in aan magaciisa xiganno ayaa HOL u sheegay in howlgalladani yihiin kuwo la doonayo in lagu xaqiijiyo ammaanka isalarmakaana ay baadigoob ugu jiraan dad uu sheegay in ay qatar ku yihiin ammaanka.
Isgoysyada waaweyn ee magaalada iyo suuqyada ayaa lagu arkayaa dad safaf dhaadheer la geliyay kuwaasoo lagu sameeynayo baaritaanno, mana jiraan ilaa hadda masuuliyiin ka tirsan ciidamada Booliska iyo nabadsugidda oo ka warbixiyay dadka ay kusoo qabqabteen howlgalladaasi.
Inkastoo ay howlgalladu ka soconayaan inta badan xaafadaha magaalada Kismaayo, hadana wax saameyn ah kuma yeelan isu socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga intaba.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
Howlgalo lagu Sugayo Amniga Maalintii labaad ka socda Magaalada Kismaayo
More News
- WASIIRKA AMNIGA: Haweeneydii fulisay Qarxii Hotel Central waxay dhashay lix Carruur ah
- SOMALILAND oo Musaafurisay Saddex Qof oo Dhakhtarnimo ku Shaqeynayay
- Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka Hadlay Weerarradii ka dhacay Muqdisho
- Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisii oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho
- CADAMI: Waa War aanay Waxba ka jirin inuu Dagaal ka dhacay Gobolka Sool
- DAAWO: Sawirro laga soo Qaaday Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe
- FAAHFAAHIN: Safarkii Xasan & Geelle ay ku Tageen Baladweyne (SAWIRRO)
- Gudiga qabyo-tirka dastuurka oo sheegay in dastuurka lagu qorayo Af Somali
- UNHCR oo sheegtay in kumanaan Qoxooti ah ay dib ugu laabteen Soomaaliya
- Maxkamadda Puntland oo dil ku xukuntay Askari horay u dilay Qof shacab ah
- ILKO-XANAF: Qaraxyada waxay ku dhacaan Habacsanaan Dhanka Amniga ah
- Madaxweynayaasha Soomaaliya & Jabuuti oo Tagay Baladweyne (SAWIRRO)
- Wajigii Labaad Tababbarka Maareynta Musiibooyinka oo ka Furmay Muqdisho
- Al-shabaab oo ku baaqday in la Weeraro Ganacsiyada dalalka Reer Galbeedka
- Shir looga hadlay aayaha gobolka Hiiraan oo lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)
- Geelle oo xalay ku hoyday Muqdisho lana guddoonsiiyay Abaalmarin Qaalli ah
- Madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuuti oo kusii jeeda Degmada Baladweyne