4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2015
Kulan looga Hadlay xoriyadda saxaafadda oo ka dhacay Garoowe (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 12, 2015 (HOL) — Kulan uu xafiiska UNSOM ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa qodobbadii looga hadlay waxaa ka mid ahaa saxaafadda Somalia, iyadoo kulankan ay goobjoogayaal ka ahaayeen bulshada rayidka ah, wasiirka warfaafinta Puntland, Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) iyo ururka saxaafadda Puntland (MAP).

Xubnihii kulankan ka qaybgalay ayaa ka dooday sharciga warbaahinta ee Puntland iyo Qorshaha Qaramada Midoobay ee ammaanka suxufiyiinta, iyadoo qorshahan uu yahay mid lagu doonayo in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay helaan nabad iyo xorriyad ay dalka kaga shaqeeyaan.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu xusay in dowladda Soomaaliya, warbaahinta iyo bulshada rayidka ah ay kawada shaqeeyaan sidii ay taageeri lahaayeen sidii lagu horumarin lahaa warbaahinta Soomaaliya.

"Ma jirto cid kuma farxsayso in lagu xad-gudubo suxufiyiinta, marka waxaan doonaynaa in la xoojiyo ku dhaqanka sharciyada oo ah qorshaha Qaramada Midoobay ka mid ah. Iyadoo dowlaadaha iyo ugu yeeraynaa inay si dhab ah ugu hoggaansamaan qaraarrada caalamiga ah iyo in la xaqiijiyo sidii ay suxufiyiinta ugu heli lahaayeen garsoor dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta. Qaramada Midoobay waxay dhaqaale ku bixisaa ammaanka suxufiyiinta iyo in baaritaan lagu sameeyo kuwa dhibaatooyinka ku haya,” ayuu afhayeenka UNSOM, Aleem Siddique ka sheegay kulanka.

Sidoo kale, xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim oo isaguna hadal ka jeediyay kulanka ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay inay si wadajir ah u wada-shaqeeyaan suxufiyiinta, ururada bulshada rayidka ah iyo weliba maamullada si loo horumariyo ammaanka suxufiyiinta loona difaaco.

Guddoomiyaha ururka MAP ee Puntland, Faysal Khaliif Barre oo isna ka hadlay kulanka ayaa ku nuuxsaday muhiimadda ay leedahay kor u qaadista wacyiga bulshada, si ay dadku u ogaadaan saameynta ay leedahay in wariyuhu uu helo xaq uu u leeyahay inuu helo xor-riyadda uu ku shaqeeyo isagoo aan wax cabsi ah dareemayn.

Ugu dambeyn, xubnihii kulanka ka qaybgalay ayaa muujiyay sida ay muhiim u tahay in la qaado tallaabooyin ay iska kaashanayaan dowladda Soomaaliya, mamulada dalka ka jira iyo ururrada bulshada rayidka ah, si loo ilaaliyo suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo doorka ay bulshada ku dhex leeyihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya