4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2015
BARACK OBAMA: Waan lasoo baxaynaa ciidanka nooga suga Galbeedka Afrika


Khamiis, Feberaayo 12, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama ayaa sheegay inay ciidamadooda kala baxayaan Galbeedka Afrika marka la gaaro bisha April ee sannadkan 2015-ka, ayna ku reebi doonaan oo keliya 100-askari.

Ciidanka Mareykanka ee la geeyay Galbeedka Afrika oo ahayd 2,800 oo askari ayaa loo geeyay gobolkaas si ay gacan uga geystaan xakameynta cudurka Ebola weli fara ba’an ku haya saddex waddan oo gobolkaas ku yaalla.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo la sheegayo in halista cudurkaas uu aad sare ugu kacay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay; taasoo soo afjartay war wanaagsan oo dhiirri-gelin ahaa oo ahayd inuu hoos u dhacayo halista Ebola iyo tirada dadka uu ku dhacayo.

Hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegtay in waddanka Sierra Leone laga helay 76-kiis oo cusub; halka Guinea laga helay 144-kii, Liberia oo ka mid ah dalalka uu aafeeyay cudurkanna laga diiwaan-geliyay 3-kii oo cusub.

In ku dhow 1,500 oo askari oo ciidamada Mareykanka ka mid ah ayaa horay looga saaray Galbeedka Afrika. Dhammaan ciidamada Maraykanka ee halkaa laga saaray ayaa ayaa lagu qasbay inay 21 maalmood oo karantiil ah galaan.

Cudurka Ebola ayaa tan iyo markii uu ka dillaacay saddex dal oo Galbeedka Afrika ka mid ah waxaa la sheegay inuu ku dhacay 23,000-qof; isagoo dilay 9,000-qof oo dadkii uu ku dhacay ka mid ah; wuxuuna markii ugu horreysay cudurkan ka dilaacay dalka Guinea.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya