4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2015
Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Somalia oo ku Geeriyooday dalka Kenya


Khamiis, Feberaayo 12, 2015 (HOL) — Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Somalia oo lagu magacaabi jiray, Xaaji Cabdi Maxamed Cali ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Mambasa ee dalka Kenya.

Marxuumka ayaa wuxuu ahaa xildhibaanka ugu da’da weyn xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, isagoo u geeriyooday xanuun maalmahan hayay oo loo geeyay Mombasa si looga daweeyo xanuunka lasoo darsay.

“Allaha u naxariistee xildhibaanku wuxuu geeriyooday saaka isagoo u geeriyooday xanuun muddo ku hayay magaalada Mombasa ee Kenya, wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii rayidka iyo milateriga ahaa ee dalka soo maray,” ayuu yiri Maxamed C/rashiid oo ay ehelo ahaayeen.

Sidoo kale, Maxamed C/kariin ayaa sheegay in marxuumku ay da’adiisu 80 sannadood ku dhaweyd, isagoo intaas ku daray in marxuumka uu ifka uga tagay afar carruur ah oo kala ah laba wiil iyo laba gabdhood.

Geerida marxuumka baarlamanka Somalia ka tirsanaa ayaa imaanaysa xilli laba maalmood ka hor ay kooxo hubeysan ku dileen degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir xildhibaan Cabdullaahi Qayaad Barre oo xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Hay’adaha dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin geerida marxuumka ku timid, lamana sheegin weli halka lagu aasi doono, wuxuuna ku biirayaa tiro xildhibaanno ah oo horay uga geeriyooday baarlamaanka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, 24-kii bishii lasoo dhaafay ee Jannaayo ayaa waxaa sidan oo kale xanuun lasoo darsay ugu geeriyooday Muqdisho, xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa xubnaha baarlamaanka dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya