4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2015
Oday-dhaqameedyo ka socda Buuhoodle oo soo gaaray Hargeysa (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 12, 2015 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa si ballaaran u soo dhoweysay madax dhaqameed ka soo kicitimay degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, kuwaas oo  sheegay inay u socdaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa sidii ay iskaga kaashan lahaayeen amniga deegaanka Buuhoodle.

Wefdiga madax-dhaqameedka ah ayaa ka kooban 11-caaqil iyo 4-oday, waxaana degmada Beer ee gobolka Togdheer kaga hortagay wasiirka Caafimaadka  Dr:Saleebaan Ciise Xagle toosiye oo maanta soo gaadhay magaaladaHargeysa, halkaasoo xubno wasiiro ahi duleedka Hargeysa kaga hortageen sidii ay usoo dhoweyn lahaayeen weftigan culus.

Wasiirka Caafimaadka, Saleebaan Ciise Axmed  Xaglo Toosiye ayaa sheegay in ujeedadda weftigan tahay sidii madax dhaqameedka iyo xukuumadda iskaga kaashan lahaayeen sidii nabad uga dhici lahayd deegaanka.

“Waxaan soo dhaweynaynaa cuqaasha Buuhoodle oo habeen hore ka yimid Buuhoodle una socda in ay wax ka qabtaan nabada iyo mushkiladaha ka taagan aagga Buuhoodle. waxaana uu imaatinkoodan ama booqashadoodani salka ku haysaa wakhtigii caana shubkii shir ka dhacay Buuhodle oo ay isku arkeen salaadiiinta, Garaadada iyo cuqaashu beelaha kala duwan ka soo jeeday Buuhoodle ay iskugu yimaadeen oo lagu heshiiyey in si buuxda loo dhamaystiro nabada balankaasi ayuu socodkoodu salka ku hayaa, nabadu waa muhiim, odayaasha iyo cuqaashuna iyagaa ah furaha nabada” ayuu yidhi Xaglotoosiye.

Waxaanu intaas ku daray “Waa wefti aad u culus, waa wafti aanu hore noociisu u iman Hargaysa waa waftigii ay ka go’aysay nabada iyo talada deegaanka Buuhoodle waxaan illaahay ka baryayaa inay la noqdaan guul iyo in ay gaadhaan hadafkooda nabadeed ee ay ku socdaan waan idin soo dhaweynaynaa. xukuumad ahaana waan idin la qabanaynaa wax allaale wixii aan idinla qaban karno ee nabada ku saabsan barbarkiina ayaanu taaganahay.”.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hogaaminayey wasiiro kaga hortagay duleedka magaaladda Hargeysa,ayaa sheegay in si weyn u soo dhaweynayaan Qorshaha Weftigan ee nabada ku salaysan, waxaanu sheegay inay Madaxweynaha la kulmi doonaan.

“Wixii suuro-gal ah ee arrimaha laga qaban karo ee nabada laga qaban karo diyaarbaanu u nahay dawlad ahaan wixii loo baahan yahay in laga qabto kolayba madaxweynaha waad la kulmi doontaa waad arki doontaan waxaan leenahay dhamaantiin soo dhawaada hadal badan oo kale halkan ka odhan mayo wasiirkii iga horeyey ee saaxiibkay Saleebaanbaa halkan ka sheegay inay odayaashii ugu muhiimsanaa yihiin ee gobolka joogay dabcan iyaga iyo garaadadii iyo odayaashii kale dhamaantood intii nabad iyo wanaaag ka shaqaynayasa iyo intii horumar ka shaqaynaysa iyo intii wada wixii dhaqan ahaan jiray annana waan soo dhawaynaynaa.waxaanan jecelnahay runtii oo aanu aad iyo aad u qadarinaynaa socodka dheer ee ay odayaasha iyo cuqaashu u soo mareen inay nabad iyo wanaag dhaliyaan u soo maray jidkaa dheer waxaanu leenahay soo dhawaada“  ayuu yidhi Wasiirka madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Sidoo kale, odayaashii iyo madax dhaqameedkii weftiga la socday ayaa xukuumadda iyo madax dhaqameedkaba uga mahad celiyey soo dhoweynta balaadhan ee loo sameeyey.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Xaglo toosiye ayaa mudaddii uu xilkaasi hayey mashaariic caafimaad ka hirgaliyey gobolada Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle, isla markaana sabab u ahaa imaantinka weftigan cuqaasho u badan, waxaanay madax dhaqameedka Somaliland oo dhowaan warbaahinta la hadlay  uga mahad naqeen wasiirka waxqabadka wasaaradiisu ka geysatay guud ahaan Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland