4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2015
Walxo aan la Aqoonsan oo Diyaaradi kusoo Tuurtay Soohdinta SL iyo Itoobiya

Khamiis, Feberaayo 12, 2015 (HOL) — Walxo aan la aqoonsan ayaa lagu arkay duleedka magaaladda Balli Cabanne oo magaaladda Hargeysa kaga beegan dhinaca koonfur galbeed.

Walaxdan  ayaa dadka deegaanku sheegayaan in diyaarad ku soo tuurtay dhulka, isla markaana aan illaa hadda la garanayn waxay tahay iyo waxay ka kooban tahay.

Walxahan ayaa ku soo dhacay meel  shan killo mitir ka xigta  galbeedka magaaladda Balli Cabanne, taasina waxay dadkii ku abuurtay cabsi iyo welwel maadama oo aanay aqoonsan waxa uu yahay.

“Maalmo ka hor ayey diyaaraddi ka timid dhinaca koonfurta waxaanay  hawada ku qar-xisay walax dhawaaqeedda meelo durugsan laga maqlayey, waxaana dhulkii ku soo daadisey walxo yaryar markiiba waxa yimid gudoomiyaha degmadda iyo gudoomiyaha gobolka Hawd waxaana alaabtii intay qaar ururiyeen la tageen dhinaca Hargeysa”ayuu yidhi goob-jooga ku sugnaa magaaladda Balli cabanne.

Guddoomiyaha degmadda Balli Cabanno oo aan khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa ka gaabsaday inuu arrintaasi faaf-faahin ka bixiyo, isagoo xusay in aanu awood u lahayn inuu ka hadlo, balse ii xaqiijiyey inay walxahaasi jiraan oo dawladdu baadhitaankeedda ku daba jirto.

Badhasaabka gobolka Hawd iyo gudoomiyaha degmadda Balli Cabane ayaa iyagu maalmahan u joogay magaaladda Hargeysa inay ku soo wargaliyaan walaxdan qaraxday ee diyaaraddu ku soo tuurtay deegaankoodda.

Magaaladda Balli Cabane ayaa ku taala meel u dhow xuduudda Somaliland iyo Itoobiya wadaagaan, waxaanay xukuumaddu gaar ahaan wasaaradda Arrimaha guduhu baadhitaan ka waddo walxaha diyaaraddu ku soo daadisay deegaanka oo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in walxahan inta aanay  dhulka ku soo dhicin qarxeen, isla markaana diyaaraddii magaaladda u dhaaftay dhinaca waqooyi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland