4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2015
Faahfaahin ku saabsan dagaal culus oo Maanta ka dhacay Degmada Guri-ceel


Khamiis, Feberaayo 12, 2015 (HOL) — Ugu yaraan sagaal qof oo dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay ah ayaa ku geeriyooday tiro kale oo intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo saacadihii hore ee maanta ku dhaxmaray degmada Guri-ceel ciidammo ka tirsan dowladda iyo garab ka mid ah xoogagga Ahlu Sunna ee gobollada dhexe.

Dad ku sugan degmada oo goor dhaw la hadllay HOL ayaa sheegay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo kaashanaya maleeshiyo beelleed weerar labo geesood ah ku soo qaadeen subaxnimadii hore ee saakay saldhigyadii ay ku sugnaayen xoogagga Ahlu Sunna waxaa halkaa ka bilaawday dagaal culus oo leysku fara-saaray.

Ciidamada dowladda iyo maleeshiyada wadda socta ayeey u suurtagashay in ay si dhaqse ah ula wareegaan saldhiga iyo xarunta degmada Guri-ceel, hase ahaatee dagaalyahannada Ahlu Sunna oo adeegsanayay gadiidka dagaallka ayaa mar kale dib ula wareegay xarumihii ay qabsadeen ciidammada dowladda oo hadda wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in dibada looga saaray degmada.

Qof goob-jooge ah oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in hadda si buuxda gacanta ugu hayaan degmada Guri-ceel dagaallamayaasha Ahlu Sunna Waljameeca.

Inkastoo bartamaha degmada xiligan uusan ka socon wax dagaal ah ayaa haddana duleedka degmada laga maqlayaa dhawaqa rasaasta ay labada dhinac is-weydaar-sanayaan.

Dadka ayaa wali ku jira xaalad kacsanaan ah xaafadaha qaarna durbaba waxaa ay shacabku bilaabeen in ay guryahooda isaga cararaan iyaga oo ka fogaanayaa wax yeello kasoo gaarta dagaal mar kale dhaca.

Ciidammada dowladda iyo maleeshiyada wadda socta ayaa xoogooda ka soo anbabaxay degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud, lamana oga sida ay saacadaha soo socda wax isku badali doonaan madaama wali  Ahlu Sunna gacanta gacanta ku hayaan degmada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya