4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2015
Taliyihii Sirdoonka Gobolka Banaadir & ku xigeenkiisii oo xilalka laga Qaaday


Khamiis, Feberaayo 12, 2015 (HOL) — Taliyihii nabad-sugida iyo sir-doonka Qaranka ee gobolka Banaadir iyo ku xigeenkiisii ayaa la sheegayaa in xilka laga qaaday, iyadoo lagu bedelay xubno cusub.

Col. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ahaa taliyihii nabadsugidda  gobolka Banaadir oo xilkan loo magacaabay sannadkii 2013-kii ayaa waxaa lagu bedelay, Cabdixakiin Farey oo horay howlaha ciidamada dalka ugu jiray.

Sidoo kale, Cabdixakiin Farey ayaa wuxuu horay u soo noqday taliyihii ciidanka Ilaalada madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud xiligii xilka loo doortay 2012-kii, inkastoo xilli dambe xilkaas laga qaaday.

Taliye ku-xigeenkii nabadsugidda gobolka Banaadir, C/fataax Shaaweeye ayaa booskiisii lagu bedelay Maxamed Xasan oo lagu naaneyso (Faran-faro), kaasoo isagana horay uga soo shaqeeyay hay’adaha amniga dalka.

Col. Koofi oo xilka laga qaaday ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa dalka Belgium oo ay qoyskiisu deggen yihiin, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin sababaha xilka looga qaaday.

Sidoo kale, wararka qaarkood ayaa sheegaya in Col. Koofi loo dhiibay xil kale oo ka tirsan hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka, iyadoo aan la shaacin jagada cusub ee loo magacaabay.

Dhanka kale, taliye ku xigeenkii hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka dalka Soomaaliya oo C/salaam lagu sheegay magaciisa ayaa xilka laga qaaday, iyadoo la sheegay in xilkii uu hayay loo dhiibay mas’uul kale.

Is-bedelkan lagu sameeyay saraakiisha hay’adda nabadsugidda Muqdisho ayaa ayaa ku soo beegmaya iyadoo sannadkii hore taliyeyaal dhowr ah oo ka tirsan hoggaanka nabadsugidda Somalia la isku bedelay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya