4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2015
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Hooyadii ay ku Geeriyooday Dalka Canada


Khamiis, Feberaayo 12, 2015 (HOL) — Allaha u raxmadee waxaa maanta ku geeriyootay dalka Canada Marxuumad Ruqiyo Macallin Daahir oo dhashay ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, isla markaana ahayd xaaskii madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/rashiid Cali Sharma’arke.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Somalia ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumadda ku timid, iyagoo sidoo kalena booqasho ku tagay xafiiska RW-ha Somalia Cumar C/rashiid.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa isagua uga tacsiyeeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke geeridii ku timid hooyadiis marxuumad Ruqiyo Macallin Daahir.

“Waxaan aad uga tiiraanyeysanahay geerida Allaha u naxariistee marxuumadda ku timid... waxaanna qoyskii iyo eheldadii ay ka tagtay oo uu raiisul wasaare Cumar ka mid yahayna Alle uga baryayaa inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marxuumadda ku tilmaamay inay ahayd Astaan Qaran oo Soomaaliya ay wayday. Isagoo yiri. “Marxuumadda ma ahan oo keliya inay hooyo u ahayd RW Cumar Cabdirashiid, balse waxay ahayd oo kale marwadii koowaad ee uu ka dhintey madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum C/rashiid Cali Sharmaarke, sidaa darteed geerideeda waa mid taabanaysa Soomaali oo dhan.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Somalia, Maxamed Cumar Carte oo isna ka hadlay geerida marxuumadda ayaa sheegay in geeridu ay xaq tahay, ayna ra’iisul wasaaraha Somalia uga tacsiyeynayaan geerida ku timid hooyadiis marxuumad Ruqiyo Macallin.

“Geeridu waa xaq… qof kastana wuu dhimanayaa, waxaan la qaybsanaynaa qoyska ra’iisul wasaaraha murugada ku timid, waxaana Alle uga baryaynaa marxuumada inuu jannaadiisa ka waraabiyo, ehelladii ay ka geeriyootayna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo,” ayuu yiri Carte. isagoo intaas ku daray. xukuumaddu si gaar ah uga tacsiyeynayso RW-ha Somalia geerida ku timid hooyadiis.

Marxuumadda oo da’ ahayd ayaan la sheegin xanuunka ay u dhimatay, iyadoo muddo fog ku noolayd dalka Canada oo ay ku geeriyootay Ruqiyo Macallin Daahir, iyadoo lagu wado in isla dalka Canada lagu aaso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya