4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2015
Maamulka Jubba oo Ganacsatada ku boorriyay bixinta lacagaha Canshuuraha


Khamiis, Feberaayo 12, 2015 (HOL) —  Kulan ballaaran oo ka dhacay xarunta caymiska ee magaalada Kismaayo islamarkaana ay soo qabanqaabisay wasaaradda maaliyadda Jubbaland ayaa loogu baaqay ganacsatada magaalada Kismaayo in ay bixiyaan lacagaha canshuuraha ee uu maamulka ku soo rogay.

Kulanka ayaa waxaa daahfuray madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee maamulka Jubbaland Suldaan C/qaadir Lugadheere kaasoo sheegay in loo baahanyahay in ganacsatadu la shaqeeyaan maamulka islamarkaana fududeeyaan canshuuraha lagu soo rogay.

Wasiirka maaliyadda maamulka Jubbaland Mudane Max’ed Sheekh Yuusuf oo hadal dheer ka jeediyay munaasibadda ayaa faahfaahin ka bixiyay ahmiyadda ay maamulka iyo shacabkaba u leedahay bixinta canshuurta, isagoo xusay in ka maamul ahaan ay ballan qaadayaan in lacagaha laga qaado ganacsatada ay wax muuqda ugu qaban doonaan bulshada.

“Wasaaradda maaliyadda wax badan ayay qabatay mudadii ay dhisnayd, mustaqbalka dhow waxaan hiigsaneeynaa in aan wax badan ka qabanno adeegyada muhiimka ah ee bulshada,” ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay maareeyaha dekedda Kismaayo Mudane C/laahi Dhubad Shiil, kaasoo sheegay in ganacsatadu ay yihiin kuwo aad ula shaqeeya maamulka ayna biixiyaan canshuuraha uu maamulku kusoo rogay.

Qaar kamid ah ganacsatada oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay ina y soo dhaweeynayaan sida uu maamulku ugu boorinayo bixinta canshuuraha, waxayna ballan qaadeen in ay bixin doonaan canshuuraha sharciga ah ee lagu soo rogay, ayna la shaqeyn doonaan laamaha canshuur ururinta ee maamulka.

Wasaaradda maaliyadda maamulka Jubbaland ayaa mudadii ay dhisnayd wax weyn ka qabatay dhinacyada dib u dhiska xarumihii hore ee dowladda ee mudada dheer burbursanaa  iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

.............
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.