4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2015
Mareykanka, UK & France oo Xiray Safaaradihii ay ku lahaayeen Dalka Yemen


Khamiis, Feberaayo 12, 2015 (HOL) — Dalalka Mareykanka, Faransiiska iyo Britain ayaa albaabbada u laabay safaaradihii ay ku lahaayeen dalka Yemen, iyagoo sabab uga dhigay xaaladda amniga iyo tan siyaasadeed ee dalka Yemen oo sii xumaanaysa.

Mareykanka iyo Britian ayaa kala baxay Yemen shaqaalahoodii safaaradaha; iyagoo ugu baaqay muwaadiniintooda dalkaas ku sugan inay iyaguna isaga baxaan Yemen. Halka uu Faransiiska ku ekaaday inuu xiro safaaraddiisii oo keliya.

Go’aanka waddamadan ay ku xireen safaaradahooda ayaa imaanaysa xilli UN-ku uu isku dayayo inuu dhexdhexaadiyo dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Yemen.

Xukuumaddii iyo madaxweynihii Yemen ayaa xilka ka dagay bishii aynu soo dhaafnay ee Jannaayo, kaddib markii kooxaha Xuutiyiinta ah ay la wareegeen xarunta madaxtooyada dalkaas, iyadoo xuutiyiintu ay maalmo ka hor ku dhawaaqeen inay kala direen xildhibaan-nadii baarlamaanka.

“Amniga dalka Yemen oo sii xumaanaya awgiis ayaan go’aansannay inaan si KMG ah u joojinno howlihii safaaraddii aan Yemen ku lahayn,” sidaas waxaa lagu sheegay warbixin Arbacadii shalay kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain. Iyagoo intaas ku daray inay shaqaalahooda dalkaas kala baxeen.

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa sheegay inay joojiyay howlhii safaaraddooda ay ka haysay Yemen, waxayna taas sabab uga dhigeen xaaladda amniga ee magaalada Sanca oo kasii daraysa.

“Inaan xirno safaaraddii aan ku lahayn Yemen waxay timid kaddib markii ay kooxaha Xuutiyiinta ah ee awoodda maroorsaday ay ku baaqeen inay magaalada Sanca ka baxaan dublamaasiyiinta ajnabiga ah,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Jen Psaki.

Hoggaamiyaha kooxaha Xuutiyiinta Yemen, Abdul Malik al-Houthi ayaa isna sheegay in cabasida ay dalalka reer galbeedku ma muujinayaan ammaanka dalka Yemen uu yahay mid aan jirin.

“Cid walba oo dan ka leh Yemen, gudaha ha joogto ama dibadda ha joogtee waxaan u sheegaynaa in xaaladda amni ee Yemen ay tahay mid deggen,” ayuu yiri al-Houthi, isagoo intaas ku daray. “Wararka ku saabsan in amniga Yemen uu xun yahay waa mid been ah oo dano gaar ah laga leeyahay.”

Si kastaba ha ahaatee, kooxaha Xuutiyiinta ah ee Yemen ayaa diiday inay la kulmaan kooxaha siyaasadda dalkaas ay isku hayaan, gaar ahaan madaxdii dalkaas xukumaysay, si xiisadda jirta loo dhameeyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya