4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2015
Keith Ellison oo ka hadlay Xirida Xawaaladaha Somalida ee dalka Mareykanka


Khamiis, Feberaayo 12, 2015 (HOL) — Xildhibaanka laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Keith Ellison oo ka hadlayay Congress-ka Mareykanka ayaa ugu baaqay xukuumadda Mareykanka inay dib uga laabato go’aankii lagu xiray xawaaladaha Soomaalida Mareykanka ee lagu soo rogay xayiraadda, taasoo uu sheegay inay caqabad weyn ku noqonayso shacabka Soomaaliyeed ku nool gudaha Soomaaliya.

Mudane Keith Ellison ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay haatan kasoo kabanayaan dhibaatooyinkii horay ugu dhacay, balse xayiraaddan cusub ay sababi karto dhibaatooyin kale oo Soomaaliya ka dhaca.

“Somali fara badan ayaa ku tiirsanayd dhaqaalaha ay ka helaan eheladda dibadda ku nool, gaar ahaan kuwa ku nool Mareykanka, sidaas daraadeed waaxan dowladda Mareykanka ugu baaqayaa inay si deg-deg ah uga laabto go’aankii lagu xiray xawaaladaha,” ayuu ka sheegay Ellison fadhigii golaha Congress-ka Mareykanka

Ellison oo ah xildhibaanka keliya ee Muslimka ah ee ku jira Congress-ka Mareykanka oo sii hadlayay ayaa sheegay in lacagaha loo diro Soomaalida gudaha ku nool ay gaarayso 215 Milyan, taasoo ah biil, halka dowladda Mareykanka ay 200-milyan oo doollar uu gargaar ahaan u siiso Soomaaliya; taasoo uu xusay in ay ka badan tahay dhaqaalaha Soomaalida Mareykanka ku nool ay ehelada Soomaaliya kaga sugan u diraan.

“Xiridda xawaaladuhu caqabad weyn ayay ku noqonaysa shacabka gudaha ku nool, taasna waxaa caddeyn u ah dhaqaalaha deeq ahaanta loo siiyo Soomaalida oo aad uga badan tan ay ehelladooda uga diraan dibadda,” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaankan.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Keith Ellison ayaa kusoo beegmaya iyadoo bangigii keliya ee xiriirka ay la lahaayeen xawaaladaha Soomaaliya ee ka howlgala dalka Mareykanka uu bishan lixdeedii joojiyay xiriirkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya