4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2015
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu Dilay Baar ku Yaalla Dalka Koonfur Afrika


Khamiis, Feberaayo 12, 2015 (HOL) — Ruux Soomaali ah ayaa ku toogtay saddex qof oo Soomaali ah maqaayad ku taalla deegaanka Mitchell Plain oo ka tirsan magaalada Cape-town ee dalka Koofur Afrika, iyadoo ruuxa dilka geystay la sheegay inuu ku hubeysnaa bastoolado.

Toogashadan ayaa waxaa ku dhintay saddex ruux ee Soomaalida, kuwaasoo dhamaantood rag ahaa; kana mid ahaa dadkii baarka toogashadani ka dhacday ka mid ahaa; iyadoo uu iska goobta ku dhaawacmay ruux Koonfur Afrika u dhashay.

Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa goobta soo garay, iyadoo falkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo muwaadin Soomaaliyeed uu ka geysto dalkaas tan iyo markii ay Soomaalidu dalkaas magan-galyada u tageen.

Qofka toogashada geystay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Somalida ku nool deegaanka; iyadoo aan weli la ogeyn sababta ku kalliftay inuu dilkan geysto.

Soomaalida ku nool deegaankaas ayaa sheegay in ruuxa dilka geystay uu ka mid ahaa Soomaalida ku xiran masaajidda magaaladaas, isla markaana uu ahaa nin cibaado badan.

Goobta uu falkan ka dhacay ayaa waxaa isugu soo baxay Soomaali badan oo aad uga xumaaday dilka, waxaana la sheegay in saddex muwaadin ee la dilay ay ahaayeen dad si weyn looga qadariyo deegaankaas.

Waxgaradka Soomaaliyeed ee ku nool deegaankaas ayaa ugu baaqay dadkii goobta isugu soo baxay in tani ay tahay musiibo lama filaan ah oo dhacaday, loona baahan yahay in la is-dajiyo.

Saddex Soomaalida ah ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray, C/wahaab Nus-liiro, Cabdi Madoobe iyo Maxamed Xasan maxamed, kuwaasoo maanta la aasi doono sida ay sheegeen Soomaalida deegaankaas ku nool.

Ciidanka booliiska South Afrika ayaa ku howlan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen ruuxa Soomaaliga ah ee dilka geystay, si dhab ahna looma oga sababta ku kalliftay inuu toogashadan geysto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya