4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 11, 2015
Xukuumadda Somalia oo ku baaqday in la joojiyo Colaadda Degmada Guriceel


Arbaco, Feberaayo 11, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ku tilmaamay dagaalladii ka dhacay degmada Guri-ceel ee gobolka Gal-guduud kuwo nasiib-darro ah, isla markaan fursad siinay Al-shabaab si ay mar labaad dib isugu soo abaabusho, iyadoo dagaallada macno-darrada ah ka faa’iideysanaya.

Sharma’arke ayaa cambaareeyay dhinacyada shacabka ku dul-dagaallamaya iyadoo xiligan dadka Soomaaliyeed iyo dowladduba heegan ugu jiro sidii Al-shabaab looga sifeyn lahaa deegaannada ay weli ku sugan yihiin.

“Dagaallada mino la’aanta ah ee ka socda Guriceel aad ayaanu uga xunnahay, xukuumadu waxay ugu baaqaysaa dhinacyada uu dagaalladaas u dhexeeyo inay ku joojiyaan si shuruud la’aan ah ku joojiyaan,” ayuu yiri Sharma’arke.

Wuxuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa raaciyay. “Waxaan codsanayaa in si dhaqso ah lagu joojiyo colaada ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ku dhimanayaan. Waxaana xasuusinayaa dhinacyada dagaallamaya in Somalia ay marayso maanta marxalad cusub oo ku saleysan nabad iyo wadatashi, taasoo looga soo gudbay xiligii colaadaha, lana hiigsanayo mustaqbal ifaya iyo horumar.”

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddu baaritaan ku samayn doono ciddii ka dambeysay colaadaha; lagulana xisaabtami doono cid walba oo dagaalkaas ku lug yeelata.

Dagaalladii ka dhacay magaalada Guriceel oo ay ku awood roonaadeen xoogag taabacsan ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaa ku dhintay 15-qofoo ay ku jireen rayid, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 31-qof oo kale.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalladan ayaa u dhexeeya ciidammo dowladda Somalia ka tirsan iyo xoogagga ururka Ahlusunna, kuwaasoo ku hardamayay tan iyo dhammaadkii sannadkii hore gacan ku haynta deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya