4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 11, 2015
Golaha Ammaanka oo soo dhaweeyay Ansixinta golaha Wasiirada Soomaaliya


Arbaco, Feberaayo 11, 2015 (HOL) — Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay ansixinta golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda Somalia, iyagoo ugu baaqay dowladda federaalka Somalia inay ka shaqeyso sidii ay u suuro-gelin lahaayeen aragtida 2016-ka.

War-saxaafadeed uu goluhu soo saaray Salaasadii shalay ayay ku sheegeen in si dhaqso ah looga shaqeeyo sidii howlaha muhiimka ah si dhaqso ay DFS u hirgeliso, kuwaasoo ay ka mid yihiin, in la magacaabo guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka dalka, dhismaha maamullada gobollada dalka, xasilinta goobihii Al-shabaab laga qabsaday iyo qabyo-tirka dastuurka dalka iyadoo aanu jirin wax dib u dhac ah.

Baarlamaanka federaalka Somalia ayaa Isniintii lasoo dhaafay cod aqlabiyad ah ku meel-mariyay wasiirrada cusub ee xukuumadda Somalia oo tiradoodu tahay 66-ka xubnood, si ay howlaha u dhiman xukuumadda u sii wadaan.

Wasiirrada cusub ee Somalia ayaa isla baarlamaanka hortiisa lagu dhaariyay iyadoo ra’iisul wasaaraha Somalia uu sheegay in xukuumaddiisa ay xoogga saari doonto fulinta arrimo badan oo horyaalla oo ay ka mid yihiin dhismaha guddiga doorashooyinka madaxa-banaan si dalka ay doorasho uga dhacdo sannadka 2016-ka.

Xukuumadda Somalia ayaan shaqeyn tan iyo markii codka kalsoonida ah ay kala laabteen xildhibaannada baarlamaanka Somalia, ra’iisul wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed bishii December ee sannadkii hore 2014-kii.

Si kastaba ha ahaatee, beesha caalamka ayaa si wadajir ah iyaguna shalay u soo dhaweeyay ansixinta iyo dhaarinta wasiirrada cusub ee xukuumadda DF Somalia, iyagoo ugu baaqay madaxda Somalia inay si dhow uga shaqeeyaan dar-dar-gelinta howlaha horyaalla dowladda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya