4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 11, 2015
Shir looga Hadlay Amniga Nugaal oo Maanta lagu Qabtay Magaalada Garoowe


Arbaco, Feberaayo 11, 2015 (HOL) — Shirkan oo looga hadlayay amniga gobolka Nugaal ayaa waxaa ka soo qayb-galay qaar kamid ah laamaha ammaanka Puntland, guddoomiyaha gobolka, kan degmada iyo xubno kamid ah waxgaradka gobolka Nugaal.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal, C/llaahi Ciise Axmed  oo dhawaan la wareegay xilka ayaa ka dalbaday mas'uuliyiintii shirka joogay in laga wada qayb-qaato horumarinta amniga gobolka iyo kan caasimadda Garowe.

“Waxaan dhammaanteen u baahannahay inaan u istaagno sidii aan isaga kaashan lahayn shaqada badan ee noo hortaaala “ ayuu yiri gudoomiyaha oo tilmaamay in maamulkiisa uu waxqabad la imaan doono.

“Aniga waxaa iga go’an inaan dhamaantiin si joogta ah idin la shaqayn doono si howlaha i horyaala aan u dhamaystiro “ayuu yiri Cabdulaahi Ciise oo sheegay in ay jiraan qorshayaal wax looga qabanayo amniga gobolka Nugaal.

Duqa degmada Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi ayaa sheegay in isaga iyo guddoomiyaha gobolka iska kaashan doonaan arrimo badan, wuxuuna bulshada ka codsaday in maamulka ay la soo xiriiraan hadii ay arkaan wax kasta oo amniga khal-khal galin kara.

Ugu dambeyn, ciidanka amniga magaalada Garoowe ayaa dhawaan gacanta ku soo dhigay tiro dhalinyaro ah, kuwaasoo habeenkii dadka shacabka ah ka furan jiray taleefannada, waxaana maxkamadda gobolka Nugaal ay dusha kaga tuurtay xukunno uu ku jiro xabsi.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]