4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 11, 2015
Wasiir ku xigeenkii dhawaan is-casilay oo loo Magacaabay jago kale oo cusub


Arbaco, Feberaayo 11, 2015 (HOL) — Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee xilka iska casilay, Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) ayaa maanta loo magacaabay wasiir u dowlaha xafiiska ra‘iisul wasaaraha Soomaaliya.

C/raxmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isaga iyo RW Somalia ay isku af-garteen in xilkan loo magacaabo, isagoo sheegay in magacaabista ay ku timid wadahadal dheer oo dhexmaray isaga iyo ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

“Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa si rasmi ah iigu magacaabay wareegto uu soo saaray xilka wasiir u dowlaha xafiiskiisa, waana xil aan ku qanacsanahay anigoo ogsoon inaan horay u diiday xilkii la ii magacaabay,” ayuu C/raxmaan Dheere u sheegay warbaahinta.

Sidoo kale, wasiirka la magacaabay ayaa xusay in sababta uu xilkan u aqbalay ay tahay in dalka uu u baahan yahay in laga saaro dhibaatadii uu kusoo jiray muddada 25-ka sanadood ahayd.

“Markii uu ra’iisul wasaaruhu arkay xilka aan iska casilay ayuu go’aansaday inuu xilkan ii magacaabay, waxaana doonaynaa in dalka aan dib u soo celino loogana baahan yahay shacabka Soomaaliyeed inay dowladda taageeraan si dalka dowladnimo dhameystiran looga dhaliyo,” ayuu wasiir u dowluhu mar kale yiri.

Wasiir-u-dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa isla maanta lagu hor-dhaariyay xubnaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, isagoo xubnaha wasiir u dowlayaasha oo horay u ahaa 14 ka dhigaya 15 wasiir u dowle.

Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa wasaaradda gaashaandhigga u magacaabay laba wasiir u dowle, taasoo keenta yin C/raxmaan Dheere uu diido inuu xilka loo magacaabay qabto, iyadoo wasiir ku xigeenka wasaaradda difaaca uu ku haray mid ka mida h labadii wasiir ku xigeen.

Si kastaba ha ahaatee, wasiir u dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa u soo noqday horay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, intii ay jireen dowladihii KMG-ka ahayd ee dalka soo maray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya