4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 11, 2015
Kal-fdhigii Shanaad ee Baarlamaanka oo lasoo Xiray iyo Sharciyo la Ansixiyay


Arbaco, Feberaayo 11, 2015 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise-sharciyeedka uu ku howlgeli doono guddiga doorashooyinka madaxa-bannaan ee dalka.

Hindise sharciyeedkan oo marxalado kala duwan soo maray ayay xildhibaannadu si adag uga doodeen, iyadoo ugu dambeyn, maanta codka kalsoonida u qaaday sharciga, kaasoo ay xildhibaannadu si aqlabaiyad ah ku ansxiyeen.

Kulankan oo ay joogeen 144 mudane ayaa waxaa sharcigan codka siiyay 113 xildhibaan, 21 xildhibaan way diiday, waxaana ka aamusay 10-mudane oo kale, iyadoo guddoonku uu sheegay in shircigan uu ansax yahay.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud ayaa laga sugaya inuu saxiixo sidii uu u noqon lahaa mid howlgala, iyadoo inta uusan sannadkan dhamaan lasoo magacaabi doono guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka dalka.

Hoggaanka dowlada Somalia ayaa horay u sheegay in sannadka 2016-ka ay dalka ka dhici doonto doorasho ah, taasoo ay shacabka Soomaaliyeed kusoo dooran doonaan markii ugu horreysay mas’uulkii hoggaamin lahaa.

Beesha Caalamka ayaa dhankeeda si aad ah u daneynaysa in Soomaaliya la gaarsiiyo doorasho, taasoo ay sheegeen inay qayb ka tahay qorshayaasha la doonayo in Soomaaliya dib loogu soo nooleeyo, kaddib sannado badan oo ay ka socdeen colaado sokeeye.

Ugu dambeyn, xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa isla maanta ansixiyay laba qodob oo kala ahaa; taageeridda xawaaladaha Soomaalida ee dalka Mareykanka iyo qorista afka Soomaaliga iyo kaydintiisa.

Si kastaba ha ahaatee, kal-fadhigii shanaad ee golaha baarlamaanka ayaa maanta si rasmi ah loosoo xiray iyadoo xildhibaanada baarlamaanka ay geli doonaan farax 60-maalmood ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya