4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 11, 2015
Qoys Muslim ah oo lagu dilay gurigooda oo ku yaalla Mareykanka (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 11, 2015 (HOL) — Saddex dhallinyaro Muslimiin ah ayaa lagu dilay qaybtii ay ka deggenaayeen dhisme ay leedahay Jaamacadda North Carolina oo ku taalla magaalada Chapel Hill - gobolka North Carolina ee dalka Mareykanka, sida ay xaqiijiyeen booliiska gobolkaas.

Booliiska ayaa magacyada saddexdan ruux ee muslimka ah ku kala sheegay; Deah Shaddy Barakat iyo xaaskiisa Yusor Mohammad oo 23-jirro ahaa iyo gabar la dhalatay gabadha xaaska ahayd, Razan Mohammad Abu-Salha oo iyaduna 19-jir ahayd.

Saraakiisha booliiska North Carolina ayaa sheegay in toogashadan xalay xilligii dambe ay ka dhacday dhisme ay qoyskan muslimiinta ah kaga noolaayeen xarun waxbarasho. Iyadoo maydadka saddexdan qof ay kasoo saareen dhismihii lagu toogtay.

Qof 46-jir ah ayaa loo qabtay dilka sadexdaan qof ee muslimiint ah kaasoo ay ku sheegeen magaciisa; Craig Stephen Hicks, iyadoo booliisku ay sheegeen inay baadi-goob ku hayaan laba ruux oo kale oo iyagana la tuhusan yahay.

Mr. Barakat ayaa ahaa dhakhtar cudurrada ilkaha ka baranayay Jaamacada North Carolina, wuxuuna ahaa samafale kasoo shaqeeyay Falastiin sida qaar ka mid ah saxiibbadiis ay war-baahinta u sheegeen. sidoo kale dumaashidiis Razan ayaa iyaduna isla jaamacadda North Carolina ka baranaysay nashadeynta jardiinooyinka iyo farshaxanka deegaanka.

Dhakhtarkan la dilay ayaa dhowr jeer oo hore ku qoray boggiisa Twitter-ka inuu aad uga xun yahay dilalka ay isku geysanayaan dadka Yuhuudda iyo Falastiiniyiinta ah, isagoo ku baaqay in dhibaatadaas xal laga gaaro.

Qaar ka mid ah dadka wax ka deggen dhismaha ay toogashadu ka dhacday ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin falka dhismahooda ka dhacay, balse waxay sheegeen inaysan la socon toogashada dhacday illaa booliisku ay ka soo saareen maydadka qaybtii ay dhismaha ka deggenaayeen.

Kristen Boling oo ah ardayad ku nool dhismaha toogashadu ka dhacday ayaa u sheegtay wargeys kasoo baxa magaaladaas, “Waxaan guriga imid 3:45 PM, laakiin ma arag ama maqlaan wax dhacay illaa booliisku ay maydadka soo saaraan.”

Gabadhan ayaa intaas ku dartay. "Maali walba illinkooda ayaan sii mari jiray, balse hadda waa jahawareer iyo dhibaato marka la eego arrintan murugada leh ee ka dhacday guriga.”

Sidoo kale, Beytaniya ayaa yiri. "Gurigu wuxuu ahaa mid ay ku noolaayeen dad xasilloon, waxaa ku noolaa arday badan oo jaamacadaha gobolka ka qalin-jabiyay, dad xirfadley ah iyo qoysaskooda. Waxaana u maleyn jiray dhisme ammaan ah.”

Ma ahan markii ugu horreysay oo toogasho noocan oo kale ah ay ka dhacdo Mareykanka, balse dhowr jeer oo hore ayaa qoysas si nabadoon ugu nool gobollada dalka Mareykanka loo geystay dil.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya