4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 11, 2015
Guddi loo saaray xil-wareejinta wasaaradaha xukuumadda oo maanta kulmay


Arbaco, Feberaayo 11, 2015 (HOL) — Guddi uu saaray ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke u saaray xil-wareejinta wasaaradaha xukuumadda ayaa maanta kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay xafiiska ra'iisul wasaaraha Somalia, kaasoo ay uga hadleen habka xil-wareejinta wasaaradaha xukuumadda.

Kulankan ayaa waxaa shir-guddoominyayay ku-xigeenka ra’iisul wasaaraha Somalia ahna guddoomiyaha guddiga, Maxamed  Cumar Carte, iyadoo ay ka qaybgaleen Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, xoghayaha joogtada ah ee xafiiska RW iyo agaasimayaasha wasaaradaha xukuumadda, iyadoo diiradda lagu saaray qaabka ugu habboon ee xil-wareejintu u dhici karto.

Hadallo kooban oo ku aaddan aragtida xil-wareejinta ayaa intii uu kulanku socday la is-dhaafsaday, waxaana inta badan hadallada ka jeediyay kulanka RW ku xigeenka Somalia, iyo Hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Ugu dambeyn, ayaa waxaa kulanka laga soo saaray ajande ah in berri ay la wareegayaan xilalkooda wasaarado ay ka mid yihiin; gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha.

Ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid ayaa kulan ay golaha wasiirrada cusub shalay ku yeesheen Muqdisho ka sheegay in xil-wareejinta wasaaradaha xukuumadda ay socon doonto muddo toddobaad ah ayna maalin walba xilka la wareegayaan shan wasaaradooda.

Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla howlo fara badan oo la doonayo inay muddo kooban ku qabtaan, iyadoo wasiirrada cusubi ay ka kooban yihiin 66-xubnood oo isugu jira, wasiirro, ku xigeenno iyo wasiir u dowlayaal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya