4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 11, 2015
Madaxweynaha Somalia oo Arrimo caafimaad ugu ambabaxay Dalka Jarmalka


Arbaco, Feberaayo 11, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maaanta arrimo caafimaad ugu amabaxay dalka Jarmalka, sida ay xaqiijiyeen wararka hoose ee laga helayo madaxtooyada Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo lagu waday inuu soo xiro kalfadhiga shanaad ee kulamada baarlmaaanka Soomaaliya  ayaa xalay ka sheegay casho-sharaf xildhibaannada Somalia loogu sameeyay Muqdisho inuusbaan ka qaybgeli karin kulanka lagu soo xirayo kal-fadhiga baarlamaanka Soomaaliya.

Kal-fadhiga shanaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa manta lasoo xirayaa, inkastoo ay ahayd in bishii hore la xiro, laakiinse ay dib u dhigtay iyadoo aan xukuumadda cusub la ansixin.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Somalia uu muddo 10-casho ah ku maqnaan doono dalka Jarmalka, iyadoo safarkiisa Jarmalka uu noqonayo kii ugu horreeyay oo uu ku tago dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Xamar, iyadoo la sheegayo inuu sii mari doono dalka Turkiga oo ay ku sugan yihiin carruurtiis uuna ug sii gudbi doono dalka Jarmalka.

Sanadkii hore ayay ahayd markii madaxweyne Xasan uu sheegay inuu Turkiga uu u tagay arrimo caafimaad maadaama uu muddo shaqeynayay, isagoo sheegay in caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay, kaddib markii ay qaar ka mid ah warbaahintu baahisay inuu xanuun aad u daran hayo.

Si kastaba ha ahaatee, weli madaxtooyada Soomaaliya faahfaahin rasmi ah kama bixin xanuunka uu madaxweynuhu ugu dhoofay alka Jarmalka, iyadoo ay noqonayso markii labaad oo uu safar caafimaad dibaddad ugu baxo tan iyo markii xilka loo doortay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya