4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 11, 2015
SAWIRRO: Booqashadii Xasan Sheekh uu ku Tagay Degmada Dhuuso-mareeb


Arbaco, Feberaayo 11, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa shalay booqasho saacado kooban qaadatay ku tagay degmad Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud, halkaasoo uu kula shiray madaxda siyaasadda iyo odayaasha dhaqanka ee uu shirku uga socdo.

Xasan Sheekh ayaa kaga dhawaaqay magaalada Dhuuso-mareeb in kulanka lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya uu ka dhacayo 01-da Maarso ee sannadkaan degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in maamulka loo sameynayo gobollada Gal-guduud iyo Mudug ay xaruntiisu noqon doono Dhuuso-mareeb, isagoo dhinacyada oo dhan ugu baaqay inay ka qaybgalaan shir-weynaha lagu dhisayo maamulkaas.

‘’Biseyl ayaan ku arkay Dhuuso-mareeb iyo shacabka oo diyaar u ah inay ka gudbaan wixii lasoo maray. Waxaana isku soo af-garannay in shirarka dib u heshiisiinta ay halkooda kasii socdaan illaa dhammaadka bishan, marka la gaaro bisha Maarso la gudo-galo barnaamijka maamul loogu sameynayo gobollada dhexe,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in dowladda federaalka Somalia ay si buuxda uga shaqeynayso, ayna dhiirri-gelineyso fududeynta dhismaha maamulka loo dhisayo gobol-ladaas.

“Gobollada dhexe ee Somalia muhimad gaar ah ayay u leeyihiin nabadeynta Somalia iyo dhismayha mustaqbal wanaagsan oo dadkeennu ay ku faanaan. Waa muhiim midnimada dadka deegaanka. Dowladda dhexe waxay si gaar ah xil isaga saareysaa sidii loo dhisi maamul iyo kala dambeyn iyo sidoo kale nidaamkaas horumar lagu gaari karo,” ayuu madaxweynuhu ku daray hadalkiisa.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa bulshada gobollada dhexe ku nool ugu baaqay inay midoobaan oo ay shirararkooda ay kasoo saaraan tallooyin ku dhisan deggenaasho iyo wadajirka shacabka gobolladaas wada dega.

Ugu dameyn, madaxweynaha Somalia ayaa intii uu joogay Dhuuso-mareeb wuxuu tababar ugu soo xirey ciidammo ka tirsan taliska nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya. iyadoo wafdiga madaxweynaha Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen wasiirro iyo xubno ka tirsan golaha baarlamaanka ayaa isla shalay gellinkii dambe dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya