4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 11, 2015
Al-shabaab oo weerartay saldhigyo ay leeyihiin ciidanka dowladda & AMISOM


Arbaco, Feberaayo 11, 2015 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa xalay weerarro ku dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah ku qaadday saldhigyo ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka laga helayo Baraawe ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab inay Al-shabaab weerartay saldhigyo ku yaalla tuulooyinka Ambareesa iyo Marin-gubaay oo ku dhow degmadaas.

Sidoo kale, wararku ayaa sheegaya in dagaalka oo muddo socday uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay labada dhinac, balse si rasmi ah weli looma oga tirada dhimasho iyo midda dhaawac.

Goobjogoayaal ayaa sheegay in weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday Marin-gubaay uu ku dhintay guddoomiyihii deegaankaas, inkastoo aanay weli ka hadlin mas’uuliyiinta gobolka iyo dowladda dhimashada mas’uulkan.

Dhinaca kale, xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday gaadiid dagaal oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia, kaasoo kasoo baxay saakay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose kuna socday deegaanno kale oo gobolkaas ka tirsan.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada inta badan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaannadii laga qabsaday sannadihii lasoo dhaafay, iyagoo inta badan weerarradu ay dhacaan xilliyada habeenkii ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya