4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 11, 2015
Wafdi uu horkacayo Shariif Xasan Sh. Aadan oo Saaka u dhoofay Addis Ababa


Arbaco, Feberaayo 11, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u dhoofay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Wafdiga Shariif Xasan ayaa waxaa ka mid ah xubno ka tirsan wasiirradiisa, isagoo mar uu ka hadlayay safarkiisa sheegay inuu dowladda Itoobiya kala hadli doono arrimo ku saabsan xiriir dhinacyada ganacsiga iyo ammaanka oo si gaar ah u khuseeya maamulkiisa.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay xukuumadda Addis Ababa ka codsanayaan sidii ay u taageeri lahayd maamulkiisa cusub ee Koonfur-galbeed Soomaaliya oo dadaal ugu jira sida uu sheegay inuu Al-shabaab ka saaro deegaannada ay kaga sugan tahay gobollada uu ka taliyo.

Xubnaha safarka ku wehliyay Shariif Xasan ayaa waxaa ka mid ah wasiirka amniga Koonfur-galbeed, C/fataax Ibraahim Geeseey iyo kan warfaafinta, Ugaas Xasan. Iyadoo safarkooda uu qaadan doono muddo safar casho ah.

Magaalada Baydhabo ee gobolka  Bay ayaa xilliyadii dambe waxaa ka socday kulammo ay yeelanayaan mas’uuliyiin ka socda Beesha Caalamka, hay’adaha sama-falka iyo madaxda maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed, kuwaasoo looga hadlay sidii ay wada-shaqeyni u dhexmari lahayd.

Hiiraan Online, Baydhabo