4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 11, 2015
Madaxda Somalia oo ka Qayb-galay xaflad lagu Qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 11, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa xalay u sameeyay casho-sharaf xildhibaannada baarlamaanka Somalia, waxaana munaasabadda goob-joog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, afhayeenka baarlamaanka Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, xildhibaannada baarlamaanka intooda badan iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada Soomaaliya.

Sharmaarke oo hadal ka jeediyey xafladda ayaa uga mahadceliyay xubnaha baarlamaanka ansixinta xukuumadda iyo barnaamijeedka, isagoo ku amaanay guddoonka sare ee golaha shacabka sidii quruxda badnayd ee ay u hoggaamiyeen kulammadii ugu xasaasisanaa ee la xiriiray doodaha kalsooni-siinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda. Isagoo ka dalbaday inay xoojiyaan wada-shaqeynta kala dhexeysa xukuumadda.

“Midnimada xildhibaannada baarlamaanka muhiimad weyn ayay leedahay, waayo waa tiir dhexaadka dowladda, isla markaana ay shacabigeennu ku tashanayaan, Sidaasi darteedna waa lagama maarmaan in la ilaaliyo wadajirka iyo midnimada baarlamaanka,” ayuu yiri Sharma’arke.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomalia oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay wadajirka hay’adaha dowladda iyo in ay wada-shaqeyn wanaagsani dhexmarto, isagoona xusay in baarlamaanku muddadii uu jiray wax badani u qabsoomeen; isla markaana looga fadhiyada inta ka dhiman sannadka 2016-ka la qabto shaqooyin badan oo muhim u ah hiigsiga aragtida 2016-ka.

“Caawa waxaan rabaa inaan idin ku ammaano sidii quruxda badnayd ee aad u gudateen waajibaadyada baarlamaanka dalka, waliba waxaan si gaar ah u ammaanayaa sidii ay xildhibaanadu kulamadii doodaha ahaa u qabsadeen iyadoo taasina shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ula socdeen, runtiinna waad raalli-geliseen shacabka, mar haddaad shacabka raali-geliseenna ALLE ayaad raali-geliseen… aad ayaan idiin-kugu ammaanayaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh ku yiri khudbadii uu jeediyay.

Ugu dambeyn, xubnihii ka hadlay oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha golaha shacabka ayaa isagana ammaanay doorka baarlamaanka Somalia uu kaga jiro fulinta howlaha dowladda u dhiman, isagoo ka dalbaday xildhibaannada inay u guntadaan dar-dargelinta howlahooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya