4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 10, 2015
Xildhibaan C/laahi Qayaad Barre oo Maanta lagu Aasay Muqdisho (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 10, 2015 (HOL) — Xildhibaan C/llaahi Qayaad Barre oo koox dabley ah ay shalay ku dileen degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir ayaa maanta lagu aasay Muqdisho, iyadoo aaskiisa ay ka qaybgaleen xubno ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Dilka maruxumka ayaa waxaa sheegatay Xarakada Al-shabaab ee Somalia oo dagaal kula jirta dowladda iyo AMISOM, isagoo noqonaya xildhibaankii ugu horreeyay ee sannadkan lagu dilo Muqdisho.

Marxuumka ayaa la dilay shalay subax xilli uu ku socday baarlamaanka oo la doonayay in lagu ansixiyo xukuumadda ra’iisul wasaare Sharma’arke, iyadoo isla shalay la ansixiyay xukuumadda cusub ee Somalia.

Hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay dilka xildhibaanka u qabteen dhowr qof oo ay baaritaan ku hayaan, inkastoo aanay weli si rasmi ah u sheegin caddadka dadka loo qabtay dilka xildhibaanka.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo ka hadlay aaska ayaa sheegay inuu dilka marxuum Qayaad uu ka mid ah yahay dilal horay loogu geystay ay ugu geysatay Al-shabaab xubno ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Mas’uuliyiinta dowladda Somalia ayaa si isku mid ah u cambaareeyay dilka loogu geystay Muqdisho xildhibaan Qayaad oo muddo fog xildhibaannada golaha baarlamaanka Somalia ka mid ahaa.

Al-shabaab ayaa dhankeeda ku hanjabtay inay ugaarsan doonto xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya, kuwaasoo ay ku sheegeen inay yihiin kuwii xalaaleeyay inay dalka yimaadaan ciidamada ka socda Afrika.

Si kasta ha ahaatee, sanadkii hore ayaa lagu dilay Muqdisho shan ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jirtay Saado Cali Warsame oo xildhibaannada haweenka ah ee baarlamaanka Somalia ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya