4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 10, 2015
SIILAANYO oo aqoonsi gudoonsiiyay qaar ka mid ah Dhaqaatiirta Somaliland


Talaado, Feberaayo 10, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa Shahaadaddii aqoonsiga xirfladleyda caafimaadka siiyey in ka badan lix boqol oo dhakhtar.

Siilaanyo ayaa ka qayb-galay xaflad loo asteeyay Maalinta Xirfad-layaasha caafimaadka Somaliland oo magaalada Hargeysa lagu qabtay, taasoo ay kasoo qaybgaleen dhakhaatiirtii xirfadleyda, wasaaradda Caafimaadka, ururka mihnadleyda caafimaadka iyo marti sharaf kale.

Xafladda waxaa soo qabanqaabiyey Komishanka Xirfadleyda caafimaadka oo soo diiwaan-geliyey dhakhaatiirta Somaliland ka hawlgasha, kuwaasoo loo aqoonsaday inay bulshadda daweyn karaan, iyadoo xirfladle caafimaad oo dalka yimaada iska soo diiwaangelin doono guddida xirfladleyda caafimaadka Somaliland.

“Waad aragteen waxaa hadda inoo yimid dad fara badan oo dalkoodii Nabad galyo darro ka soo kaxaysay ama dhib kaleba ka keentay laakiin, Dhakhtar wanaagsan waxa uu joogaa Gurigiisa, markaa dhakhtarka wanaagsan ee Khabiirka ahi dalkiisa ayuu joogaa. Innaga dhakhaatiirteena caanka ah ee aynu naqaano mid dibaddaha u shaqo tagay kuma jiro” ayuu yidhi Gudoomiyaha Komishanka Mihnadleyaasha Caafimaadka Dr Axmed Xaashi Oday oo ka hadlayey dad ajanabi ah oo sheegtay inay dhakhaatiir yihiin oo ka yimid wadamadda dibadda.

Waxaanu intaas ku daray. "640-ka aanu Maanta arrintooda dhamaynay ee aan shahaadada siinnay, waxaa weheliya in Shahaadadani tahay tii Diwaangalinta.Diwaangalintu waa mar kaliya Nolosha laakiin,waxaa soo baxaya Liisankii oo Sannadle ah. Ninkasta oo maanta qaatay Liisanka iyo Shahaadada waxa uu bixinayaa Fiiga liisanka iyo Shahaadada,halkaana waxaa ka soo baxaya Dakhli xoog leh oo Miisaaniyadda dalka ku soo biiraya.”

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye ayaa u mahadceliyay Guddida Mihnadleyaasha Caafimaadka oo ku hawlan xaqiijinta Xirfadda aqooneed ee dhakhaatiirta dalka ka hawl galaya. Waxa uu sidoo kale umahadceliyay Dhakhaatiirta aqoonyahanka ah ee Somaliland oo halkaasi ku sugnaa.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay inuu gacan ka gaysanayo Qorshaha lagu hubinayo Khibradda iyo Aqoonta dhakhaatiirta Somaliland ka hawl galaysa ee dibadaha ka imanaysa ama dalkaba joogta.

“Farxad weyn ayay ii tahay inaan Maanta ka soo qayb galo Xafladdan Qiimaha iyo Qaayaha wayn leh.Caafimaadku waa wax Muhiim u ah Mushatamaceena iyo Umadda oo dhan. Ilaalintiisa iyo wax ka qabadkiisuna waa waxa ugu weyn ee Umadda loo qaban karo.haddii anagu aanu nahay dawladdana wax alle wixii aanu ka qaban karo waanu ka gaysanaynaa.haddii maanta ay tahay Himiladdu ilaalinta iyo badqabka Bulshada iyo diwaangalinta iyo waxka qabadka dhakhaatiirta,annagu waxaanu diyaar u nahay inaanu wixii waajib iyo xil naga saaran ka gudano oo wax ka qabano. Waxaan bogaadinayaa hay’addaha hawshan ku shuqulka leh, waxaanan ka balanqaadayaa in wixii xaggayaga looga baahdo aanu wax kala qabanayno” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Si kataba ha ahaaatee, wasiirka wasaarada caafimaadka Dr, Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye ayaa baryahan dambe wadda kor u qaadidda baahiyaha caafimaadka, isla markaana wuxu muddo marka u joogaba soo kormeeraa degmooyinka iyo goboladda si loo gaadhsiiyo adeega caafimaadka kaas oo dadweynuhu aad ugu bogaadiyeen.

Sidoo kale, wuxu wasiirku mamnuucay in la xayeysiiso xarumo caafimaad iyo dhakhaatiir aan wasaaradda caafimaadka soo marin, isla markaana uu warbaahinta ku wargaliyey in aanay xayeysiin Karin goobo caafimaad illaa ay rusqadda xayeysiiska ka hesho wasaaradda Caafimaadka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland