4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 10, 2015
Suldaan cusub oo lagu caleemo-saaray gobolka Bari ee Puntland (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 10, 2015 (HOL) — Deegaanka Qaw oo ka tirsan gobalka Bari ee P/L ayaa waxaa lagu caleemo-saaray Suldaan cusub, kaasoo hoggaamin doona beel ka mid ah kuwa daga deegaanno ka tirsan gobolka Bari.

Suldaankan la caleemo saaray oo lagu magacaabo, Ciise Maxamad Ciise ayaa horay uga mid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed, iyadoo xafladda caleemo-saarkiisa ay ka qaybgaleen waxgarad, nabaddoonno, siyaasiyiin, culummo, dhallinyaro, haween iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasbadda ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay wax-garadkii ka qaybgalay munaasabadda, iyadoo hadalladoodu ay u badnaayeen waano iyo dar-daaran ay u jeedinayaan suldaanka la caleemo-saaray.

Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo ka mid ahaa xubnihii hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan caleemo-saarka suldaanka, Ciise Maxamed, wuxuuna Alle uga baryay inuu u fududeeyo xilka loo ig-maday.

Guddoomiyaha gobalka Bari, C/samad Maxaxmad Gallan iyo duqa degmada Boosaaso, Xasan C/lla Xasan oo iyana ka hadlay caleemo-saarka ayaa xusay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan suldaanka beesha Wabeeneeye; ayna la shqeyn doonaan.

Ugu dambeyn, Suldaan Ciise Maxamad Ciise oo xafladda ka hadlay ayaa ka ballanqaaday in shareecada Islaamka ku dhaqmi doono, bulshada uu ku maamuli doono cadaalad iyo sinnaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya