4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 10, 2015
Madaxweyne Xasan oo soo dhaweeyay Ansixinta Wasiirada cusub ee Somalia


Talaado, Feberaayo 10, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa soo dhaweeyay ansixint golaha wasiirrada cusub ee Somalia oo ay shalay ansixiyeen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

“Waan soo dhaweynayaa magacaabista golaha wasiirrada ee uu soo magacaabay ra’iisul wasaaraha Somalia iyo ansixinta golaha wasiirrada Somalia,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray. “Inkastoo ay culeysyo jireen, haddana horumar weyn ayaa la sameeyay.”

Xasan Sheekh ayaa mar kale yiri. “Aad ban ugu faraxsanahay in caqabado badan oo lasoo maray toddobaayadii lasoo dhaafay ka sokow, aanay weli meesha ka bixin xawligii aan ku wadnay hawlaha aan Qaranka u haynno oo weli halkooodii ka sii socda.”

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in arrimo badan oo deg-deg ah; isla markaana ahaa kuwo muhiim ah xal laga gaaray, isla markaana la xalliyay; sida dhismaha guddiga xudduudaha iyo arrimaha federaalka, marti-gelintii shirkii wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD iyo shirkii madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo toddobaadkii hore Muqdisho lagu qabtay, kaasoo looga hadlayay horumarka Higsiga 2016 iyo cahdiga cusub.

“Labadii sano ee lasoo dhaafey waxaa jiray hawlo badan oo daahsoon oo looga gol lahaa in lagu soo dhiso dowlad si hufan u shaqeyneysa; haatana waxaa socda adeegyo wax u taraya nolosha shacabka Soomaaliyeed,’’ ayuu ku daray madaxweynuhu hadalkiisa.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa farriin u diray xubnaha cusub ee golaha wasiirrada, isagoo yiri. “Ra’iisul wasaaraha Somalia & golihiisa wasiirrada waa inay deg-deg ugu dhaqaaqaan dhameystirka hawlo badan oo xilli dheer laga soo hadlayay oo ay ka mid yihiin in la meel-mariyo sharciga asxaabta siyaasadda dalka, isla markaana haatan ay bilowdaan sameynta wadatashi dadweyne oo dib u eegista dastuurka la xiriira, dhismaha hay’adaha dowliga ah, doorashada iyo kuwa kale ee ay isku xiran yihiin.”

Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia wuxuu sheegay in wasiirrada ay si deg-deg ah ula wareegaan howlaha wasaaradahooda, isla markaana gacan muuqata ka geystaan hagaajinta heerka nololeed ee dadka Soomaaliyeed. Isagoo xusay inuu dhamaaday waqtigii hadalka, waxaana la jooga buu yiri waqtigii fulinta waxyaabaha aan ballan-qaadnay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya