4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 10, 2015
Howlgallo Boqolaal qof lagu Qabtay oo Muqdisho Laga Sameeyay (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 10, 2015 (HOL) — Ciidamada amniga Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa howlgal ay maanta degmada Xamar-weyne ka sameeyeen ku qabqabtay 400 oo ruux oo dhallinyaro u badan, kuwaasoo xaafadaha degmadaas laga soo qabqabtay.

Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne, C/qaadir Maxamed C/qaadir oo ka warbixinayay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo AMISOM ay gacanta kusoo dhigeen boqolaalkan qof, haatanna lagu hayo saldhigga booliiska degmada si baaris loogu sameeyo.

“Howlgalkan waxaa lagu qabqabtay in ka badan 400 qof, kuwaasoo laga soo qabqabtayo xaafadaha Xamar-weyne, baaris ayaana haatan lagu hayaa, intii aan dambi lahaynna waa lasii dayn doonaa,” ayuu C/qaadir u sheegay warfidiyeenka.

Sidoo kale, guddoomiyaha Xamarweyne ayaa sheegay in howlgalkani uu ka mid yahay howlgallo lagu doonayo in lagu adkeeyo amniga degmada iyo guud ahaan kan Muqdisho. Isagoo xusay in qorshuhu yahay in laga sifeeyo magaalada Muqdisho xoogagga ka tirsan Al-shabaab oo xaafadaha k suugan iyagoo hubeysan.

Waxaa kaloo isagana la hadlay warbaahinta, taliyaha booliiska degmada Xamar-weyne, Col. Maxamed Maxamuud Garaare oo sheegay in baaris lagu hayo dadkii lagu soo qabtay howlgalladii maanta; ciddii aan dambi lahaynna si dhaqso ah ayaa loo sii-dayn doonaa.

“Ciidamada ammaanka dowladda, kuwa AMISOM iyo madaxda waaxyaha kala duwan ee degmada Xamar-weyne ay ka kooban tahay, waxaana la baaray dhammaan guryaha ku yaalla degmada, in ka badan 400 oo qof ayaana lagu soo qabqabtay,” ayuu hadalkiisa ku daray Col. Garaare.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa sheegay in dadka la qabtay oo dhan aan la dhihi karin waa dambiilayaan, balse baaris lagu sameynayo ciddii dambi uu ku soo baxana ay soo bandhigi doonaan; baarista kaddib.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalkan ayaa wuxuu ahaa mid ballaaran, iyadoo ay waddooyinka degmada Xamarweyne oo dhan xireen ciidamada AMISOM iyo kuwa amniga dowladda. Iyadoo howlgalkan uu imaanayo xilli shalay lagu dilay degmada Xamar-jajab oo ay daris yihiin degmada Xamarweyne xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya