4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 10, 2015
FAAHFAAHIN: ku saabsan khasaaraha dagaalkii ka dhacay Degmada Guri-ceel


Talaado, Feberaayo 10, 2015 (HOL) — Ku dhawaad 15 ruux oo ay ka mid yihiin saddex ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay tiro kale oo intaa ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus degmada Guri-ceel ku dhaxmaray ciidammada dowladda iyo garab ka mid ah xoogagga Ahlusunna Waljameeca ee gobollada dhexe.

Wararka ka imaanaya degmadaas ayaa sidoo kale sheegaya inay ku dhaawacmeen 31-qof oo kale oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo rayidkii lagu dul-dagaalamay, iyadoo la dhigay dhaawacyada isbitaalka Istarliin ee degmada Guri-ceel.

Mid ka mid ah dhakhaatiirta ka howlgala isbitaalka Guriceel ayaa sheegay in dhammaan dadkii ku dhaawacmay dagaalka oo gaaraya 31-qof la keenay isbitaalka, inkastoo uu ka gaabsaday inuu ka hadlo dadkii ku dhintay dagaalka, wuxuuse xusay inaan isbitaalka la keenin wax dhimasho ah.

Dagaalka ayaa dhacay kaddib markii dagaal-yahanno ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca ay weerar ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen gudaha degmada Guriceel.

Gudoomiyaha gobolka Galguduud ee maamulka dowladda Somalia Xuseen Cali Weheliye Cirfo oo la hadllay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay inay degmada Guri-ceel xili hore oo saakay ah soo weerareen koox ka tirsan Al-shabaab, laakiin ciidamada dowladda ka hortageen.

Hase ahaatee weerarka madaxa-banaan ee degmada laga helayo ayaa sheegaya in dagaalku ahaa mid dhaxmaray ciidammada dowladda iyo xoogagga garab ka mid ah Ahlu Sunna oo sanadkii hore dibada uga baxay degmada, waayadii ugu danbeeyayna ku sugnaa deegaan 70km u jira Guri-ceel.

Ilaa iyo hadda ma jiro war ay dagaalka degmada Guri-ceel kasoo saareen saraakiisha Ahlu-sunna Waljameeca ee gobollada dhexe.

Dagaalka saakay dhacay ayaa imanaya xilli Dhuusa-mareeb uu booqanayo madaxweynaha dowladda Somalia, Xassan Sh. Maxamuud, dhinaca kalana gobollada dhexe laga waddo qaban-qaabada dhismaha maamul gobolleed ay ku mideysan yihiin gobollada Galguduud iyo Mudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya