4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 10, 2015
C/weli Gaas oo Addis Ababa uga Qayb-galaya shir looga hadlayo Argagaxsida


Talaado, Feberaayo 10, 2015 (HOL) — Madaxwyenaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Bole International iyada oo ay la socdaan xubno ka tirsan golaha wasiirada.

C/weli Gaas ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Cabdulahi Jaamac, wasiiru dowlaha xiriirka caalamiga ah Maxamed Cabaas iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada Puntland.

"Safarka waa mid madaxweynaha iyo wafdigiisa ay kula kulmayaan qaar kamid ah hay'a daha deeqaha bixiya iyo waliba maal-gashadayaal caalami ah," ayaa lagu yiri war hordhac ah oo ka soo baxay madaxtooyada Garowe.

"Waxaan rajeynaynaa in nalaga taageero horumarinta goobaha asaasiga sida jidadka iyo dhismayaasha garoomada diyaaradaha "ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdule oo kamid ah wafdiga Addis Ababa gaaray.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale magaalada Addis Ababa kaga qayb-galaya shir looga hadlayo la dagaalanka argagaxisada ,waxaana shirkan uu ku soo beegmayaa xilli Puntland iyo Al-shabaab ay ku dagaalamayaa buuraha Gal-gala.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]