4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 10, 2015
RW Cumar oo Shir-guddoomiyay Kulankii ugu horreeyey ee Wasiirrada Cusub


Talaado, Feberaayo 10, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee golaha wasiirrada xukuumadda oo shalay la ansixiyay, kaasoo diiradda lagu saaray qaabka ugu haboon ee ay golaha wasiirradu ula wareegi lahaayeen xafiisyada wasaaraddahooda.

Sharma’arke ayaa xusay in kulankan uu ahaa midkii ugu horreeyay ee xubnaha wasiirrada xukuumaddiisa uu la yeesho, isla markaana ay ku kala warqaadanayeen, loona dar-dargelin lahaa howlaha horyaalla xukuumaddda.

“Waxaa Alle mahadiis ah - inaan maanta yeelanay kulankeenii ugu horeeyay kadib markii shalay la ansixiyay lana dhaariyay golaha wasiirrada Somalia. Waxaana kaga hadalnay kulanka arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin sidii ay wasiirradu ula wareegi lahaayeen xafiisyada wasaaradahooda,” ayuu yiri Sharma’arke oo dhanka kale xusay in maalintiiba ay shan wasaaradood xilka la wareegi doonaan; si muddo toddobaad ah loosoo afmeero xil wareejinta.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Sharma’arke ayaa xusay in guddi uu madax u yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda, Maxamed Cumar Carte loo xil-saaray kala wareejinta xilalka, iyadoo ay wasaarad walba wareejin doono wixii agab ah ee ay ku shaqayso haddii ay tahay hantida ma guurtada ah iyo tan guurta intaba, si horey loogu sii dhaqaajiyo howlaha Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, golaha wasiirrada cusub ee Somalia oo ka kooban 66-xubood ayaa waxaa horyaalla howlo badan oo hakad ku yimid, kuwaasoo ay ugu muhiimsan yihiin dhameystirka dhismaha maamullada gobollada iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho sannadka 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya