4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 10, 2015
Beesha Calaamka oo si wadajir u soo dhaweysay Ansixinta golaha Wasiirrada


Talaado, Feberaayo 10, 2015 (HOL) — Beesha Caalamka ayaa war ay si wadajir ah u soo saareen maanta ayay kusoo dhaweeyeen ansixinta golaha wasiirrada xukuumadda Somalia oo shalay oo Isniin ahayd ay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya meel-mariyeen.

War-saxaafadeedka ay si wadajir ah u soo saareen; Qaramada Midoobay Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD Ingiriiska iyo Mareykanka, iyagoo ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaarahaba inay horay u wadaan howlaha dowladda Somalia oo uu ku yimid hakad, si dalka loo gaarsiiyo doorasho sannadka 2016-ka.

“Si wadajir ah ayaan u soo dhaweynaynaa ansixinta xukuumadda Soomaaliya ee cusub, waxaana ugu baaqaynaa madaxda dalka iyo hay’adaha kaleba inay u wada-shaqeeyaan si wadajir ah, si looga dhabeeyo hirgelinta aragtida 2016-ka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka beesha caalamku soo saartay.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ku baaqay in la meel-mariyo hannaanka Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya, sidoo kalena looga baahan yahay dowladda federaalka Somalia inay how-laha dhiman hirgalintooda xoogga saaraan.

“Waxaan kaloo ku dhiirri-gelinaynaa wasiirrada ku jira golaha wasiirrada iyo qaybaha kale ee bulshada inay gacan ka geystaan sidii uu dalku horay ugu sii socon lahaa, loona gaari lahaa halka la higsanayo,” ayay xubnaha kala matalaya beesha caalamka ku sheegeen qoraalkooda.

Dhanka kale, xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxay qoraalkooda ku xuseen in sannadkan 2015-ka uu muhiim u yahay sii wadidda guulihii la gaaray iyo sidii dalka oo dhan loogu hirgelin lahaa xasilloonada, si nolosha shacabka loo hagaajiyo.

Ugu dambeyn, xubnaha beesha caalamka ayaa waxay war-saxaafadeedka ay wadajirka u soo saareen ku sheegeen inay cambaareynayaan dilkii loo geystay shalay xildhibaan C/llaahi Qayaad Barre oo baarlamaanka Somalia ka tirsanaa, xukuumadda Sharma’arkena laga sugayo inay cadaaladda hor-keento kuwii dilkaas ka dambeeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya