4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 10, 2015
Wararkii ugu dambeeyay Dagaal culus oo saaka ka dhacay degmada Guri-ceel


Talaado, Feberaayo 10, 2015 (HOL) — Xaalad kacsanaan ah ayaa wali ka jirta degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud, kaddib dagaal culus oo subaxnimadii hore ee saakay ku dhaxmaray ciidammo ka tirsan dowladda Somalia iyo xoogagga Ahlusunna Waljameeca.

Dad ku sugan Guri-ceel oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in subaxnimadii hore ee saakay shacabka degmada ka war-helleen dhawaqa rasaas culus, kaddib markii xoogag ku hubeysan gadiidka dagaalka weerar ku soo qaadeen fariisimaha ciidammada dowladda ee degmada.

Dagaalyahannada Ahlusunna ee weerarka soo qaaday ayaa lagu waramayaa inay u suuro-gashay inay la wareegista gacan ku heynta degmadaas, halka ciidammada dowladdana la sheegay in ay waqtigan ku sugan yihiin meel ilaa 4km ka baxsan Guri-ceel.

Dagaalka ayaa lagu waramayaa in uu sababay khasaare isugu jira dhismasho iyo dhaawac, waloow la ogeyn tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay dagaalka..

Xoogagga saakay weerara degmada ayaa sanadkii hore isaga baxay Guri-ceel kaddib dagaal culus oo ay la galleen ciidammada dowladda, laakiinse wixii waqtigaa ka danbeeyay waxaa ay wadeen abuul dagaal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya