4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 10, 2015
Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweyne Xasan Shiikh oo Gaaray Dhuuso-mareeb


Talaado, Feberaayo 10, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Xasan Sheekh ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyanaya wasiirrada arrimaha gudaha iyo kan qorsheynta, C/raxmaan Maxamed Xuseen iyo C/raxmaan Yuusuf Caynte, mas’uuliyiin, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale.

Socdaalka madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa wuxuu la xiriiraa uu kuur-gelidda xaaladaha siyaasadda, nabadgelyada iyo arrimaha bulshada ee goboladda dhexe.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Dhuuso-mareeb ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin, dadweyne farabadan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Intuu halkaasi joogo ayaa madaxweynuhu wuxuu kulammo kala duwan la yeelan doonaa mas’uuliyiinta, siyaasiyiinta, cuqaasha iyo bulshada ku nool gobolka Galguduud.

Booqashada madaxweynaya ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay ka socdaan degmadaas dadaallo lagu doonayo in maamul loogu dhiso gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa degmada Guriceel weli ka socda dagaallo xooggan oo u dhexeeya ciidammo kala taageersan dowladda Soomaaliya iyo kuwa kooxda Ahlusunna Waljamaaca, kuwaasoo aan la ogeyn illaa hadda khasaaraha ay geysteen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya