4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 10, 2015
Tahriibayaal Afrikaan u badan oo qabow ugu geeriyooday xeebaha Tayaaniga


Talaado, Feberaayo 10, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 29-qof oo tahriibayaal ah ayaa dhaxan awgeed ugu dhintay xeebaha dalka Italy, kuwaasoo la socday doonyo ay kaga soo baxeen dalka Liibiya.

Ciidamada badda Taliyaaniga ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen dooni in ka badan 100 qof oo tahriibayaal ah sidday oo kusoo dhawaatay jasiiradda Lampedusa.

Weli faah-faahin rasmi ah lagama bixin dalalka ay kasoo jeedaan dadkan ku dhintay xeebaha Talyaaniga, inkastoo la sheegay in intooda badna ay yihiin muhaajiriin ka yimid Afrika.

Ma ahan markii ugu horreysay oo tahriibayaal ay ku dhintaan xeebaha dalka Talyaaniga, iyadoo ay horay ugu geeriyoodeen tahriibayaal badan oo isaga gooshayaya Qaaradaha Afrika iyo Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, xilligan ayaa waxaa xeebaha dalka Talyaaniga si aad ah uga dhaca dabeylo qabow wata; iyadoo tahriibayaashu aysan haysan wax ka difaac dhaxanta dhacaysa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya